Madaxweynayaasha Suudaan iyo Uganda oo ku baaqay in la taageero Dhismaha Hay’addaha Amaanka Somalia.

Entebe : Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa soo gaba gabeeyey Booqasho Rasmi ah oo uu ku joogay Uganda, isagoo Casuumaad ka helay Madaxweyne Yoweeri Museveni.

Warbaahinta Uganda ayaa sheegtay inay Labada Madaxweyne Kulan ay ku Qaateen Aqalka Madaxtooyadda Uganda, waxay iska waraysteen Xaaladda Somalia, Hawlgalka AMISOM, Xiriirka Labada Dal, Horumarinta Iskaashiga, Dhaqaalaha,

Labada Madaxweyne waxay Kulankooda kadib soo saareen War-murtiyeed ka koobnaa 15 qoddob, iyadoo ay ku jireen Qoddobo khuseeyey Arrimaha dalka Somalia iyo Hawlgalak AMISOM.

Qodobka 12-aad ee War-murtiyeedka waxay Labada Madaxweyne ugu baaqeen Beesha Caalamka inay taageero ka geystaan Dhismaha Hay’addaha Dowladda Federalka, gaar ahaan dhinaca Ammaanka, si ay Ciiddanka DFS awood ugu helaan La-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka Somaliya.

Sidoo kale, Qodobka 13-aadka ee War-murtiyeedka ay soo saareen Madaxweynayaasha Sudan iyo Uganda waxay Beesha Caalamka ka codsadeen inay Hawlgalka AMISOM ka taageeraan dhinacyada Kheyraadka iyo Awoodaha, si ay Ciiddanka DFS ugu wareejiyaan Sugidda Ammaanka ee Somalia mustaqbalka dhow.

 

 

 

Xaafiiska wararka Idil News

Juba