Muqdisho:-RW Khayre”Dumarka waa in aysan dhex dhexaad ka noqon Shabaab iyo Dowlad diidka”

Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo xalay ka qeyb galay Xaflad dumarka Soomaaliyeed looga dalbanayay in ay taageeraan Howlgalka Ciidamada Xoogga Soomaaliya dhawaan ay ka bilaabi doonaan Dalka kaas oo looga soo hor jeedo Al-Shabaab.

Kheyrre ayaa Haweenka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan xasilinta amaanka Soomaaliya iyo dagaalada ay xukumadiisa qorsheysay, sidoo kale Kheyrre ayaa Haweenka ka codsaday in aysan dhex dhexaad ka noqon wax uu ugu yeeray Dowlad diid kuwaas oo mar walba kala dhantaala Qorshaha Xukuamdda.

“waa in aadan dhex dhexaad ka noqon Shabaab iyo Dowlad diid waxaan badbaadineynaa Caruurtiina Naftiina iyo Qaranka waa in aad bar bar istaagtaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo meelna aad uga soo jeesataan Shabaab iyo Dowlad diid ” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyrre.

Haweenka ayaa sheegay in ay u baahan yihiin Nabad iyo Xasilooni waxayna xukumadda ka dalbadeyn in ay dhaqaaqdo Dumarka Soomaaliyeedna ay bar bar taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Haweenka iyo Caruurta ku nool Soomaaliya ayaa wajaha dhibaato adag oo kaga imaaneysa wiilasha ay dhaleyn ee hubka qaatay, dhibka ugu daran ayaa waxay kala kulmaan Al-Shabaab sidoo kale waqtiyada qaar ayaa soo wajaho dhibaatooyin ay kala kulmaan Ciidanka Dowladda iyo rag kale oo hubeysan.