700 Qof oo soomaali ah oo laga helay cudurka HIV AIDS

Hay’adda Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Gobalka England ee dalka UK (NHS) waxay markii ugu horreysay soo bandhigtay Xogta ku aadan Tirada dadka asalkoodu yahay Somali ee wehelka la ah Cuddur-sidaha HIV AIDS

Warbixin ay soo saartay Hay’adda NHS oo ka shaqeysa Nidaamka Daryeelka Caafimaadka ee England waxay tilmaamtay in 683 qof oo sheegay inuu asalkooda Somali yahay laga helay Cuddur-sidaha HIV AIDS-ka muddadii u dhexeysay sannadihii 2000 ilaa 2016-kii,

Tiro-koobka Xogtaasi waxaa kaloo lagu xusay in 310 qof oo ka mid ah dadkaasi yihiin rag, halka 373 yihiin Haween, waxayna badankooda (70%) qaadeen xanuunkaasi wixii ka dambeeyey sannadkii 2003-dii.

Warbixinta waxay tilmaamtay in 5% dadkaasi ay da’dooda ka hooseyso 15-sanno, halka 10% ay da’dooda u dhexeyso 15 sanno ilaa 24-sanno.

Sidoo kale, 35% dadkaasi qaba Cuddurka HIV AIDS waxay da’doodu u dhexeyso 25 ilaa 34-jir, halka 40% ay da’dooda u dhexeyso 35 ilaa 49-sanno, iyadoo 10% yihiin dad ay da’doodu ka sarreyso 50-sanno.

Ugu dambeyntii, Xogta Hay’adda Adeegga Caafimaadka Qaranka England (NHS) waxaa lagu sheegay in sannadkii hore ee 2016-kii cuddurka HIV AIDS-ka laga helay haween tiradoodu dhan tahay 28-qof, kuwaasi oo sheegtay inay asal ahaan ka soo jeedaan Somalia.

Haweenkaasi oo haatan lagu daryeelo England waxay da’doodu u dhexeysay 14 jir ilaa 19-jir xilligii ay Cuddurka HIV AIDS-ka qaadeen sannadkii 2003-dii.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo ay Hay’adda Adeegga Caafimaadka Qaranka England ee UK (NHS) shaaciso Xogta ku aadan tirada dadka ka soo jeeda Mujtamaca Soomaalida ku nool UK ee qaaday Cuddurka HIV AIDS-ka.