Mo Farah ” “Yaa is oran karay orod baad sharaftan ku helaysaa ama aad qasriga boqoradda ku iman karaysaa!

London : Orodyahanka reer Britain ee asalkiisuna yahay Soomaali, Mohamed Farah, ayaa lagu daray liiska dadka sannadka cusub la guddoon siin doono billadaha ay bixiso boqorrada ingiriisku .
Mohamed Farah ayaa sannadkan loo dallacsiiyey derajada ‘Sir’, taas oo ah Darajada ugu sarreysa ee la siiyo dadka aan milatariga ahayn ee shaqo ama magac fiican u soo hooya Britain.

Billaddan ayaa sidoo kale la siiyaa dadka aan haysan dhalashada waddanka Britain, waxaa sidoo kale lagu sharfaa dadka sumcadda weyn ku dhex leh caalamka. Derajadan ayaa hadda ka dib u saamaxaysa Mo Farah in magaciisa marka loogu yeerayo laga hor mariyo laqabka ‘Sir’, looguna yeeri doono ‘Sir Mohamed Farah’ Taasoo dad gaar ah loogu yeero oo aan tiro badnayn .

MO FARAH ayaa isagoo faraxsan yiri :

“Yaa is oran karay orod baad sharaftan ku helaysaa ama aad qasriga boqoradda ku iman karaysaa , adduunkan haddaad dadaasho wax kasta waa macquul , ani iyo xaaskaygu waligeen kuma aan riyoon inaan iman doonno qasriga Buckingham Palace !

Guud ahaan billadihii uu orodka ku qaatay waxaa uga qiimo iyo farxad badan in boqoraddu billad guddoonsiiso , qof kasta oo billaddan qaadanaya diintuu doono ha haysto, siduu doono caan ha u noqdo, lacagtuu doono ha haysto waa inuu jilbaha dhulka dhigo ,inaad saa samayso adigay sharaf kuu tahay qof walbana ma helo middaas waxaa lagu helaa dadaal dheeri ah !”

Mo farah ayaa darajadan ku helay ka dib markiii loo aqoonsaday in uu yahay orodyahanka ugu wanaagsan ee soo mara taariikhda waddanka Britain.

Sir Mo ayaa ku guuleystay afar billadood oo dahab ah ciyaarihii Olambikada ee London iyo Rio ee orodkii  shanta kun iyo tobanka kun ee mitir.

Dhanka kale, Sir Mo ayaa ku guuleystay afar billadood oo dahab ah oo ah ciyaaraha orodka ee qaaradda Yurub.

Sir Mohamed Farah ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee Soomaalida reer UK ah ee heerkaas gaadha. Arrintan ayaa magac iyo sumcad usoo jiidday bulshada Soomaalida ee muddada badan ku noolayd waddanka Britain.