Tagidii Maryan waji gabax bay ku noqotay Kooxda Villa Soomaaliya ?

Wasiirkii Gargaarka ee hore Maryan Qaasim waa is casishay kadib markii ay ka niyad jabtay hab dhaqameedka RW Khayre.

Iscasilaada Wasiirada ayaa dhacday saakay subixii hore.

Maryan ayaa barteeda Twitter-ka qoraal kooban oo ays oo dhigtay ku tiri”Maanta oo ah arbaco 15-ka November 2017, waxaan si rasmi ah isaga casilay xilka aan ka hayay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, duruufo aniga khaas ii ah.

Dhanka kale waraysi khaas ahaa oo ay siisay Tv-ga Goobjoog ayay ku sheegtay war ka duwan midkii ay kusoo qortay Twitter-keeda,hadlkaas ayaa ahaa sida tan soo socota.

”Waxaan uga tagey xilkii Wasiirnimo daruufta shaqo oo igu adkaatay iyo isbarbar yaac ka jira Xukuumada oo aan kala baxsanayn awoodaha,taasoo aan ku jahwareeray”.

khilaafka ayaa wararka madaxbanaan ay sheegayaan in uu salka ku hayo Guddi ay magacawday Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya, Guddigaas ayaa lagu magacaaabaa “Guddiga Gurmadka Qaran ee Masiibadii ka dhacday Zoobe” Wasiir Maryan Qaasim ayaa la sheegay in aan laga tala gilin Guddigaas sidoo kale waxa la sheegay in Guddiga ay toos ugu xiran yihiin Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha fadaraalka Soomaaliya.

Maryan Qaasim ma ahayn shaqsi caadiay ee waxaa la oran karaa wa shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee taariikhda dhaw Somaliya ku sifoobay daacadnimo,amaano iyo wadaniyad.

ka tagideeda shaqada Wasiirnimo uga dhigan tahay Xukuumada Farmaajo mid ka hoosaysa hankii loo qabay,isla markaana ay dhab yihiin dhaliilaha xooganaa ee loosoo jeedinayay.

Dhanka shacabka ayay ku tahay iscasilaada Maryan niyad jab weyn oo soo wajahay iyo dib u dhac kale oo ay kala kulmeen Xukuumadii ay u han waynaayeen.

Maryan ayay u tahay iscasilaada ay uga baxday qayb ka ahaanshaha Xukuumada mid galisay baal dahab ah.

Isku soo wada duuboo Maryan tagtay eelna reebtay.

Jibril Qoobey.