Video:-Maryan Qaasim Oo iska casishay xilkii Wasiirnimo Ee Xukuumada Khayre

Wasiirka Wasaarada Gar-gaarka iyo masiibooyinka xukuumada fadaraalka soomaaliya Maryan Qaasin ayaa maanta iska casishay xilkii Wasiirnimo.
 
Maryan Qaasim Wasiirkii hore ee Gar-gaaarka iyo masoobiiyinka ayaa is casilaadeda  xogo hoose oo ay ka helayso idil News waxay tilmaamayaan in ay sababtay hawlihii shaqo ee Wasaaradeeda oo ay Dad kale gacanta kula jiraan cabasho in badan ay ka gudbisayna aan waxba laga qaban.
 
Dhanka kale Maryan Qaasim Wasiirkii hore ee Gargaarka Dowlada Fadaraalka,ayaa barteeda Twiter-ka soo dhigtay qoraal ay ku xaqiijinayso in ay iska cashishay xilkaas,iyadoo xil ka tagistaa ucuskatay  sababo iyada ugaar ah.
 
Maryan Qaasim ayaa ka mid ahayd masuuliyiinta faro ku tiriska ah ee aadka loogu kalsoonaa ee ku jiray Xukuumada Khayre.
 
Iscasilaadeeda ayaa banaanka soo dhigaysa waxa ka jira gudaha xukuumada iyo faashilka ay ku dhex jirto,sidoo kale waxay niyad jab weyn ku tahay shacabka Somaliyed ee rajada ka qabay in Xukuumadan ay noqon doonto mid wax badan ka badali doonta xaalka dalka ee soo cakirnaa 25-kii sano ee lasoo dhaafay,hoos ka daawo muuqaalka is casilaada Wasiir Maryan.