Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe oo xabsi guri la geliyey .

Harare :Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa la dhigay xabsi guri caasimadda dalkaasi ee Haraari, sida uu sheegay madaxwaynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.

Mr Mugabe ayaa ugu sheegay qadka taleefanka inuu wanaagsanyahay, sida laga soo xiganayo xafiiska madaxwaynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo uu lasoo xiriiray.

Rasaas culus iyo madaafiic ayaa laga maqlayaa waqooyiga magaalada Haraare maanta oo Arbaco ah.

Qalalaashaha dalka Zimbabwe ayaa yimid kadib markii madaxwaynaha uu xilka ka qaaday kuxigeenkiisa, arrinkan ayaa waxaa ka carooday taliyaha ciidamada militariga oo sheegay inuu soo afjaryo khilaafka xisbiga Zanu BF.

Dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda usoo jeedisay inay ka bixin oo safaaradda oo ay lasoo xiriiraan wixii xaalado amni,

Mr Mugabe oo 93-sano jir ah ayaa maamulayay wadanka Zimbabwe tan iyo xiligii uu xornimada ka qaatay wadanka UK 1980kii.