Alshabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe .

War goordhow naga soo gaaray degmad Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wax ay sheegayaan in deegaano ka tirsan ay la wareegeen Al-Shabaab.

Dad Goobjoogayal ah ayaa Radio Dalsan u sheegay in Tuulada lagu Magacaabo Geed faqay oo Balcad u jirt 10-km kaga beegan dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ay kooxda shabaab la wareegtay .

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Geed faqay ayaa waxa ay sheegeen in tiro Al-Shabaab ah ay deegaanka soo galeen isla markaana ay Shacabka Khudbad u jeediyeen.

Weli  Maamulka degmada Balcad kama hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaanka geed faqay.