Video:-Taageerayaasha xisbiga Wadani oo mudaharaadyo rabshado wata ka dhigay burco.

Qaar Ka Mida Dhalinyaada Tabacsan Xisbiga Mucaadka Ee Wadani Ee Magalada Burco Ayaa Mudaharad Ka Sameeyay Qaar Ka Mida Wadooyinka Magalada Burco

Mudaharadkan ayaa salka  Ku Haya Saluug Ay Taageerayaasha wadani  Ka Tabeen Natiijada Doorashada Oo Aaan Wali La Shaacin Ka Dib Markii Ay Xubnihii Xisbiga Wadani U Qaabilsanaa Komishanka Doorashooyinka Ay Tageerayashooda Warbaahinta U Mariyeen In Cabashadoodi Wax Laga Qaban Wayay Oo Ay Joojiyeen Wadashaqayntii Ay Lalahayeen Komishanka,

Dhalinyaradani Mudaharaadayey  Ayaa Gubay Taayiro Iyo Isla Markaana Shiiday Goobaha Ganacsiga Oo Sababay In Hal mar Loo Laabo Albaabada  Goobahaas  Waxa La Maqlaya Dhawaqa Rasaasta Oo Ciidanka Boolisku Ku Kala Eeryayaan Dhalinyarada Gadoodsan,

Mudaharadkani Ayaan La Garanaynin Khasaraha Ka Dhashay Marka Laga Tago Gadiid Badan Oo Dhulka Laga Dhigay Muraayadiihi Ku Xidhnaa ,Wali Lama Garanayo Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhashay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka