In ka badan konton xildhibaan oo mooshin ka keenay gudoomiye jawaari .

Muqdisho : Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay wadaan mowshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka  Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeynaya ku tagri fal awoodeed iyo khaladaad ka dhex jira guddiyada baarlamaanka ee dowladda, waxaana xildhibaanada qaar ay sidoo kale ku eedaynayaan habka loo soo xulay shaqaale dhan 360-shaqaalle oo u shaqeeya baarlamaanka kuwaasi oo mushaarka ay qaataan laga jaro golaha baarlamaanka.

Inka badan konton xubnood ayaa gudbiyay kalfadhiga hadda socda mooshinka guddoomiyaha in lagu darro , arrintaasi oo abuurtay shaqooyinkii baarlamaanka inuu hakad galo.