+SAWIRO :Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo sahminaysa qiyaasta uu gaaray adeega talaalka Duumada

Garoowe :Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa laba kooxood oo caafimaad u kala diraysa gobolada puntland ka kooban tahay .

Labadan kooxood ayaa qiimayn kusoo samayn doona waxyaabihii laga qabtay la dagaalanka cudurka duumada shantii sano ee ugu dambaysay .

Kooxahan wasaaradda caafimaadku udirtay dirtay gobolada waxay sidoo kale soo sahminayaan qiyaasta caruurta kayar shanta sano ee uu gaaray talaalka cudurka duumadu .

Sida ay sheegeen agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka cabdirisaaq xirsi xasan Puntland iyo madaxa la dagaalanka cudurka malaariyada ee wasaaradda caafimaadka puntland cabdikariin xuseen xasan .

Kenya medical school iyo hayada caafimaadka aduunka ayaa sahminta ka caawinaysa wasaaradda caafimaadka Puntland .

Waa sahmintii caafimaad ee ugu balaarnayd ee guud ahaan soomaliya laga sameeyey mudooyinkii ugu dambeeyey