Video:-Xisbiga Waddani Oo Joojiyey Wada Shaqeyntii Kominshanka Soona Bandhigay ku shubasho doorashada ah

Hargaysa : Xisbiga Wadani waxaa uu sheegay inay hakiyeen dhamaan wada shaqeyntii ay la lahaayeen Guddiga Doorashooyinka, Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen goordhoweyd Hargeysa waxaa ay ku sheegeen inay go’aankaasi qateen kadib markii ay guddigu ka jawaabi waayeen cabashooyin ay u gudbiyeen.
Xubnaha u hadlay Wadani waxay ka dhawaajiyeen inuu jiro musuq guddigu sameeyay, waxay sheegeen in codadka Kulmiye loo tiriyey ay ku jiraan kuwo been abuur ah, iyagoo soo bandhigay buug u sameysan sida kaadhadh-ka lagu codeynayey.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

                                                   HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA