Waa Tuma Haweeneyda sababtay afgembiga milateri ee ka dhacay Zimbabwe?

Iyada oo dalka Zimbabwe ay ka socdaan isbadalo waaweyn xili ciidamada militariga dalkaas ay sheegeen in ay la wareegeen awoodda, ayaa waxaa halkan kaga hadlaynaa taariikhda xaaska madaxweyne Mugabe oo la aaminsanyahay in iyada darteed ay ciidamada gadood u sameeyeen.

Grace ayaa lagu waday in loo magacaabo madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe si ay marka dambe iyada xilka ugala wareegto ninkeeda oo 93 jir ah, waxaana dhacday in madaxweyne ku xigeenkii Zimbabwe Emmerson Mnangagwa xilkii laga qaaday kadib markii ay isku dhaceen Grace.

 

 

 

Grace waa 52 jir, 40 sano ayay ka yartahay ninkeeda Robert Mugabe kaas oo Zimbabwe madaxweyne kasoo ahaa tan iyo sanadkii 1980-kii.

Xisbigiisa ZANU-PF ayaa u xushay in uu markale isu taago xilka madaxweynenimo sanadka soo socda, balse dhawr jeer ayuu safaro caafimaad oo dibedda ah u baxay sanadkan gudihiisa. Waa caafimaad daradaas iyo gaboowga sababta ugu badan ee loo tuhmayo in ay majaraha u hayso xaaskiisa Grace.

Mrs Grace ayaa ku caan baxday in ay tahay taageero weyn oo ninkeeda ay u hayso, iyada oo xitaa mar laga soo xigtay in xitaa haddii uu dhinto Mugabe uu heli karo codad badan.

“Waxay dhaheen in aan noqon rabo madaxweyne, maxaa diidaya taas?” ayay tiri Grace oo qiratay in ay doonayso in ay qabato xilka dalka ugu sareeya.

Sanadkii 2014-kii ayay eedeysay madaxweyne ku xigeenkii hore Joice Mujura oo ay ku eedeysay in ay tahay haweenay ku caan baxday musuqmaasuq iyo rakaato, xan iyo been, waxayna ku baaqday in xilka laga qaado.

Mugabe ayaa xilka ka qaaday Joice, wuxuuna ku badalay Emmerson Mnangagwa oo horey u ahaa wasiirkii caddaalada ee Zimbabwe.

Balse isagii ayay haddane isku dhaceen, todobaadkii hore ayaana xilka laga qaaday kadib markii dhawr jeer meel fagaaro ah ay Mugabe ugu baaqday in uu shaqada ka eryo Emerson.

Grace ayaa Zimbabwe ka noqotay ganacsato awood badan, iyada oo beer ku lahayd duleedka magaalada Harare, waxa ay sidoo kale ku caanbaxday xagga samofalka.

Waxaa jirta waddo lagu magacaabo Dr Grace Mugabe Way oo u dhow xarunta dhexe ee xisbiga talada haya ee ZANU-PF, waxayna tani muujinaysaa damaca siyaasadeed ee marwada koowaad.

Darajada Dr ayaa la xiriirta in iyada oo 49 jir ah ay shahaadadeeda PhD ka qaadatay jaamacadda Zimbabwe, waxaana la aaminsanyahay in labo bilood oo kaliya ay ku heshay shahaadada, taas oo aanan ahayn wax aanan suurtogal ahayn.

Waxaa si caddaalad ah loogu doodi karaa in Mrs Mugabe ay aad ugu wanaagsantahay xagga hadal-jeedinta, iyada oo taageerayaasheeda ay aad ugu jecelyihiin marka ay khudbadaha jeedinayso. Waxa kale oo ay aad ugu jecelyihiin labiskeeda iyo xaragadeeda.

Bartamihii 1980-naadkii, xisbiga ZANU-PF ayaa Mugabe siiyay dhul aan sidaas u weyneyn oo ku yaala duleedka Harare, si uu guri uga dhisto, balse muddo aad u dheer ayuu iska banaanaa dhulkaas illaa ay Grace noloshiisa kusoo biirtay.

 

 

Maanta qoyska Mugabe waxa ay Zimbabwe ku leeyihiin hanti aad u tiro badan oo isugu jira beero, guryo iyo waliba xoolo nool meelo kale duwan dalka.

Waxaa lagu yaqaanaa in ay tahay qof ad adag, iyada oo marar lagu eedeeyey in ay dhulkoodii xoog uga saartay dad beeralay ah.

Markii ay biloowday olole balaaran oo ay dalka oo dhan meel fagaaro ah hadalo uga jeedinaysay ayaa waxaa soo ifbaxay sida ay hadalka u heli ogtahay, iyo waliba hadaladeeda kululul, iyada oo inta badan digniin u jeedin jirtay dadka ay siyaasadda isku hayaan.

Dadka ay afka ka weerartay waxaa ka mid ah marxuumad Heida Holland oo buug ka qortay Mugabe, taas oo ay sheegtay in ay u dhimatay maadaamaa uu habaaray Mugabe beentii ay ka qortay awgeed.

Dadka reer Zimbabwe waxa ay u ahayd ruwaayad ay ku maadaystaan maadaamaa xogaha dhex yaala xisbiga ay fagaaraha ka sheegi jirtay, islamarkaasna si aan ka waabasho lahayn u dhaleeceyn jirtay qofkii ay doonto.

Dadka siyaasadda u dhuun duleela ee Zimbabwe ayaa Grace ku tilmaamay in ay dalkaas ka noqotay qof awood badan oo xitaa go’aamin kartay qofka badalaya Mugabe, haddiiba aysan iyada badalin.

Si kastaba ha ahaatee lama oga halka ay ku sugantahay Grace xili taliyeyaasha ciidanka ee awoodda la wareegay la sheegay in ay iyada si gaar ah u raadsanayaan, kuna eedeeyeen in ay madaxweynaha si qaldan uga faa’iidasatay.

 

 

 

Xigasho BBC.