Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarun caafimaad oo cusub ka hirgelisay D.Jariiban .

Jariiban : Wasaarada Caafimaadka  dawawlada Puntland ayaa xariga ka jartay xarunta Caafimaadka ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Maxamed Yuusuf Shirwac gudoomiyaha degmada jariiban ayaa munaasbada xarig jarka xarunta caafimaad ka  sheegay inay Baahi weyn u qabeen Xarunta Caafimaad ee laga furay jariiban ,wuxuuna sheegay inay hada kadib shacabka jariiban helayaan adeegyadii caafimaad ee ay meelo fog u aadi jireen

Wasiirka wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland mudane C/naasir Cismaan Cuuke ayaa xariga ka jaray xarunta Caafimaadka ee degmadaasi taas oo ay dhismihiisa ay qayb weyn  ka qaadatay wasaarada caafimaadka Puntland, wuxuuna sheegay inay xaruntan caafimaad ee jariiban ka hawl geli doonaan hawl wadeeno caafimaad oo tiro badan kuwaasoo uu sheegay in la rabo inay ku filaadaan baahiyaha adeeg caafimaad ee deegaanada laamiga ka baxsan ee hoos yimaada jariiban iyo deegaanada kale ee u dhow .