Boqorka Sucuudiga oo xilka wiilkiisa ku wareejinaya .

Riyaad : Wargeyska Daily Mail ayaa daabacay in Boqorka Dalka Sacudiga, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sa’ud uu xilka ku wareejinayo wiilkiisa 32 jirka ah ee Amiir Maxamed bin Salmaam.

Hadalkan oo uu wargaysku kasoo xigtay Qof ku dhow qoyska reer Boqor ayaa intaa ku daraya in Todobaadka soo socdo laga yaabo inuu talada Dalka si buuxda ula wareego Amiir Maxamed haddii aysan arrintu is beddelin.

Boqor Salmaan ayaa la sheegay inuu noqon doono shaqsi sharafeed maamula oo keliya Xaramaynka, balse awoodda kale uu u gacan gelin doono wiilkiisa, kaasoo haatanba saamayn weyn ku talada Waddanka Sacuudiga.

Amiir Maxamed ayaa in dhowaalaba u gogol xaarayey la wareegidda maamulka Dalka, markii uu xabsiga dhigay wasiirro,Amiirro iyo Rag magac ku leh Dalka Sacuudi Carabiya, isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq baahsan.