Video:-Barlamaanka Fadaraalka soomaaliya oo isku raacay in dhiibistii Qalbi dhagax ahayd khalad weyn

Baarlamaanka soomaaliya ayaa isku raacay in dhiibisti Qalbi dhagax ay aheyd sharci daro kadib kulankii Maanta la horgeeyay warbixin la xiriirtay Kiiskii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.

Guddiga ayaa Baarlamaanka ka hor Akhriyay baaritaanadii ay ku sameeyeen kiiskii lagu dhiibay Cabdi Kariim Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF.

Intaas kadib Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Warbixinta Kiiska Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax, 152 Mudane ayaa u codeeyay 6 way diiday 3 way ka aamustay.

Guddiga ayaa Warbixintooda waxa ay ku sheegeen in Nabad-Sugida Soomaaliya ay maareysay isla markaana aan lagala tashan Madaxda dalka dhiibista Qalbidhagax,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfahasan.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka