Diyaaradii Dunida ugu weyneyd oo ku burburtay Ingiriiska

Bedfordshire : Diyaaradda ugu weyneyd dunida The Airlander 10 ayaa maanta ku dhacday Deegaanka Cardington ku dhow magaalladda Bedfordshire  ee dalka Britain.

Shilkaasi waxaa ku dhaawacantay Haweeney, waxaana la wada xiray Waddooyinka.
Goobjooge ayaa sheegay in Diyaaradda Markabka oo la dherer ah Garoonka K/cagta in ay cadcad ugu soo dhacday meel dhir badan oo ku dhow RAF Cardington.

Sawiro laga soo qaaday Diyaarada ayaa muujinaya burbur xooggan oo ka soo gaaray qeybta hore ee Diyaaradda .