Maxaa sababa Fashilka ganacsiga,WD.Cabdirisaaq Jubba (Qaybtii Koowaad)

Waxyaabaha sababa fashilka ganacsiga aad ayay u badan yihiin laakiin waxaan kusoo koobayaa 20 Qodob.

1-Kharash aan loo baahnayn oo la galo (over spending):-

Qaladaadka la galo waxaa ka mid ah in aan la isu miisaamin waxa shirkadda soo galaaya iyo waxaa ka baxaayaa isla markaana la galo kharashaad badan, tusaale ahaan xafiiska oo la geliyo kharash badan, maamulka oo iska qorta mushahaaro badan iwm.

2. Shaqada oon lahayn nidaam la raacayo (without guiding principles):

Shirkaddo badan ayaa marka ay bilaamayaan aan lahayn nidaam la raacayo, kedibna marka ay muddo yar joogaan suuqa ka baxa, ganacsi kastaa waa ay jiri karaan khaladaad la galaayo laakiin waa in ay jirtaa sharciyo la raacayo oo haddiiba la jabiyo la isku ciqaabayo. Waan in shirkadda ama ganacsigu uu leeyahay sharciyo adag sida saacadaha shaqada la bilaabayo lagana baxayo, sida ilaalinta tayada alaabta, sida loo ixtiraamayo macaamiisha, in aan shaqo maanta la qaban lahaa berito loo dhigin iwm.

3. Ahmiyadd la’aan (lack of focus):

Waxaa fashil ku keeni kara ganacsiga in hal mar lawada abuuro ganacsiyo kala duwan taasina waxay keeni kartaa in wax waliba qabyo ay kaa noqdaan, dadka ku guulaystay ganacsiga dhamaantood hal shay ayay marka hore bilaabaan kedib markay dhamays tiraan ayay shaqaddii ku xigtay qabtaan. Ogow ninka adduunka ugu taajirsani ( Bill Gates) hal shaqo keliya ayuu horumarka ku gaadhay. Haddii aad ku guulaysato mashruuca hore waxaan shaki ku jirin ka kuxigana in aad ku guulaysan karto.

4. Aragti iyo ujeedo la’aan (lack of vision and objectives):

Qofka oo aan ogayn halka uu u socdaa waa dhibka ugu weyn ee soo gaara qorshe kasta oo la sameeyo. Runtii ganacsigu waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qof safar gelaaya, safarkaasiina waa in uu meel ku eeg yahay (destination). Waa in maamulku lahaadaa aragti cad oo uu beegsanaayo. Haddii aanay aragti cadi jirin waa Dayaarad iska kacda ayadoon la saadalin hawadaa lana fiirsho uun khayr iyo shar wixii kasoo baxaba. Aragti cad la’aantu waxay keentaa in aad yeelan weydo ujeedo sax ah (goal) isla markaana ganacsigaagu uu dhaafi waayo garab-rarato. Dad badan oo adduunkan ka noqday dadka ugu magaca waaweyn lihi waxaa ay ku gaadheen guusha aragti cad oo ay lahaayeen.

5. Shirkadda gudaheeda oo khiyaamo ka dhacdo (internal dishonest activities):
Shaqaalaha shirkaddu haddiiba ay noqdaan dad aan daacad ahayni waxa si fudud u imaan kara in ay shirkadda lugooyaan, waana arin sax ah haddiiba hal qof oo maamulka ahi si xun u fakiraayo in uu lugooyo shirkadda, markaa waa in ay shaqaalaha iyo maamulkuba noqdaan dad shaqadooda si daacad ah u gudanaaya.

6. Kharashaadka suuq-gaynta oo la yareeyo (cutting down marketing budget):

Mararka qaar guuldarada shirkaddu waxaa ay ka bilaaban taa marka ay shirkaddu rabto in ay kharashka yarayso, isla markaana kharashkii ku bixi lahaa suuq-gaynta (marketing) ay ka bilowdo kharashaadka la dhimaayo. taasina waa qaladka ugu weyn ee shirkaddi samayso, waxaa ay ahayd in la kordhiyo kharashka ku baxaaya suu-gaynta si loo abuuro macaamiil cusub.

7. Cabsi ka timaada loollamayaasha (fear of competition):

Adduunyadda waxaa hadda kusoo badanaaya in la lakala koobi (copy) gareeyo ama lakala xado fikradaha ganacsi. Loollanku wuxuu keenaa in aad weydo qayb ka mid ah macaamiishaadda kedibna qaybtii aad suuqa ku lahayd ayaa yaraan karta. Markaa dad badan oo ganacsi abuura ayaa ka cabsi qaba in fudud suuqa looga saaro.

Qaarna sannadka horaba waa ay xiraan markay arkaan shirkaddo kale oo suuqa kusoo biiray. Runtii ganacsiga iyo loollankiisu waa wax jiraaya ilaa inta adduunyada wax lakala gadanaayo markaa marnaba kama badbaadi kartid tartan. isku day in aad macaamiishada raali geliso, fikrado cusub abuurto (innovatives), suuqa aad la socoto marwalba daraasad cusub samayso (research) isla markaana aad ilaashato in aan cid kale isticmaalin magaca shirkaddada iyo summadda shirkadda (trademarks) kana diiwaan geli shirkaddaha ilaaliya xuquuqaha ganacsiga (patent and copyright).

8. Ogaan-sho la’aanta baahida macaamiisha (not knowing the customer demand):
Waxaa kale oo guul daro ku keeni kara ganacsigaaga adigoon ogayn baahida saxda ah ee ay qabaan macaamiishaadu (customers). Baahida macaamiishu waa ay is badbadashaa markaa waa in aad waqti fiican galisaa xog-uruurinta xaga suuqa (market research). Waana arinta keliya ee aad ku ogaan karto baahida saxda ah waana in aad kharashaad fiican ugu talo gashaa sidii aad xogta suuqa aad usoo heli lahayd, waxaa kale oo u baahan in aad la socoto waa sixirka alaabta aad gadayso waayo qiimaha sare (over pricing) dhib ayuu u keenaa shirkaddah cusub.

9. Sharciyada dawladda oo is bedela iyo amniga oo xumaada (new gavernment policy and lack of security):

Isbadalka xaga sharciyadda dawladuhu waa waxyaalaha ugu muhiimsan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay dhib u keena, tusaale ahaan haddii aad keeni jirtay badeeco oo ay dawladdu go’aan kasoo saarto in aan badeecadaa la keeni karin si fudud ayay ganacsigaasi u baabi’I karaa. Amniga oo xumaada isna wuxuu keeni karaa in ay yaraadaan macaamiishaadu kedibna ay yaraato faaiidadii aad heli jirtay. Fadlan marwalba samee saadaal xaga amniga ah oo sugan (security forecast) waana in aad dhinacyo badan ka fiirisaa siyaasadda wadanka ee 5 sanno ee soo socda sida uu u ekaan karo.

10. Ku xirnaasho taliyayaal badan (depending on more advisors):

Waxyaalaha guuldarada keeni kara waxaa ka mid ah ayadoo shirkaddu badanaa ku xirnaato taliyaayaal badan oo weliba ay debada ka soo qaadato, waxaa suurto gal ah in ay talooyin wacan kuu keeni karaan, laakiin maamulka shirkadda ayaa laga rabaa in ay marka hore ay wararka ay u baahan yihiin soo dhamays tiraan, wejiyo badan ka eegaan, ka baaraan degaan samee sawirka xaalada ugu foosha xumi haddii ay timaado (worst case senario) kedibna wixii warar dheeri ah ay u raad sadaan dadka aqoonta u leh (advisors).

 

W/Q Cabdirisaaq Jubba .

Email : Cabdirisaaqjuba@gmail.com

La Soco Qaybta labaad