Video:-Jubaland Oo si weyn Ugu diyaar garawday Ciyaaraha Gobolada Dalka

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Soomaaliyeed  Jubbaland  Mudane  Maxamud Sayid Aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada Dalka iyo Maamulka gobolka banaadir kasoo lagu qaban doono Magaaladda Kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiiradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Xirirrka kubadda Cagta Dalka.

Wasiir dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka Xildhibaanad  Khadiijo Maxamed Diiriye oo goobta ka hadalay ayaa sheegay in ay ahmiyad siin doonaan dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka.

Madaxwayane Kuxigeenka Koowaad ee Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Maxmuud Sayid Aadn oo Furay Shirka Ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar utahay  marti galinta ciyaartoyda  iyo martida kale ee la socota ee kaqayb galay tartankaan.

Furitaanka shirka kadib ayaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka iyo wasiiraddii la socday waxaa ay Kormeer Ku Tageen Garoonka Kubadda Cagta Ee Waamo oo Lagu qaban doono tartanka dowlad gobolledyada iyo gobolka banaadir.

Tan iyo Burburkii ka dib ayaa tartankaan  markiisii labaad lagu qabtay Magaalada Muqdisho kasoo ay ku guuleysteen ciyaartooydii Puntland matalayay iyagoo kaga guuleystay xulka Jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka