Dawladda federaalka soomaaliya oo heshiis la gashay shirkad maraykan ah .

DFS ayaa Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Park Strategies oo uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato, kaasi oo  ka tirsanaa Kongareeska Maraykanka muddadii u dhexeysay sannadihii 1981-kii ilaa 1991-kii.

Alfonse Marcello D’Amato, oo 80-jir ah waxa uu weli Galaangal ku dhex leeyahay Arrimaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, wuxuuna sxb la yahay Aqalka Cad, wuxuuna horey u taageearay Ololihii Doorashadda ee uu Madaxweyne Donald Trump ku guuleystay.

Waxa kale oo uu caan ku ahaa inuu Danaha Somalia ku difaaco Kongareeska Maraykanka ee ay ku xooggan yihiin Mudaanayasha Jamhuuriga.
Heshiiska ay DFS iyo Shirkadda Park Strategies dhawaan kala saxiixdeen, waxay DFS oggolaatay inay Shirkadaasi siiyaan lacag dhan 120,000 oo Dollar, si ay Shirkaddaasi ugu ololeyso sidii ay Dowladda Federalka taageero dheeraad ah uga heli lahaayeen Maamulka Madaxweyne Trump iyo Xubnaha Kongareeska Maraykanka.

Heshiiskaasi oo mudadiisu tahay hal sanno ayaa waxaa kaloo DFS laga doonayaa inay Madaxa Shirkadda Park Strategies, Alfonse Marcello D’Amato siiyaan 36,000 oo Dollar oo ah Kharaj Khaas ah oo uu adeegsan doono Socdaalkiisa iyo Adeegga Hotelka.

Shirkadda Park Strategies waxay DFS siin doonaan Talooyinka Istaraatijiyadeed,  La-talin iyo  iyagoo wakiil ka ah Dowladda Somalia dadaal wadajir ah u galaan Xaqiijinta xiriirka u dhexeeya DFS iyo Dowladda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka  waxay Somalia siiyeen 10-kii sanno ee la soo dhaafay Kharaj ku dhow 2 Billion oo Dollar.

Sidoo kale, Dowladda Maraykanka waxay 900 oo million oo Dollar ku taageereen Hawlgalka AMISOM.

Waxay kaloo 720-million oo Dollar dhaqaalaha ahaan ugu taageereen Hawlgalladda ay QM ka wadaan gudaha Somalia.

Ku-dhawaad 500 Askar Maraykan ah ayaa haatan ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababar iyo Taageero Loojistiko ah  siiyaan Ciiddanka DFS ee dagaalka kula jira Alshabaab.