Madaxweynaha Masar oo si adag ugu hanjabay Ethopia .

Qaahira : Madaxweynaha masaarida ayaa sheegay inay ssi adag isaga difaacayso ethopia xeelad kasta oo ay la timaado .

Madaxweyne Cabdifitaax al-Siisi, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlaayay Saxaafada dalka Masar, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia ay ku dadaaleyso inay leexsato Webiga Niil .

Cabdifitaax al-Siisi, waxa uu ku goodiyay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo saamiga soo jireenka ah ee ay ku leeyihiin Webiga, haddii ay taa dhacdana ay qaadi doonaan talaabo adag.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Ethiopi ay dooneyso inay leexsato Wabiga Nile, balse dowladiisa ay kasoo horjeedo isla markaana ay diyaar u tahay inay iska caabiso dowlada xadgudubka u bareertay ee Ethiopia.

Al-Sisi waxaa uu sheegay in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusha danaheeda , una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah.

Al-Sisi waxa uu intaa ku daray in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

Madaxweyne cabdifataax alsiisi ayaa ugu dambayn shacabka masaarida ugu baaqay inay u istaagaan inay difaacdaan danahooda masiiriga ah .