Madaxweyne Mugabe oo cuntadii ka soomay .

Madaxweynaha Zimbabwe ee awooda laga qaaday ayaa la sheegay inuu diiday inuu wax cuno, isagoo ka cabanaya Xabsiga Guriga uu ku jiro.

Sarkaal ka tirsan Xisbiga haya Talada dalkaasi ee ZANU PF ayaa sheegay in Madaxweyne Mugaabe diiday inuu wax cuno tan iyo shalay, kadib, markii lagu wargeliyey in si rasmi ahaan looga qaaday Xafiiska.

Wasiir ka tirsan Xisbiga ZANU PF ayaa sheegay inuu Madaxweynaha 93-jirka uu isku tijaabinayo Khiyaano kala duwan ilaa habeen hore, waxa uu galay cunto-diidid, inuu hadlo, wuxuuna mararka qaarkood ku dhawaaqaya Cabsi-gelin.
Dhinaca kale, Golaha Dhexe ee Xisbiga ZANU PF ayaa maanta kulan ku leh magaalladad Harare, iyadoo doonaya inay Xilka Guddoomiyaha Xisbiga ZANU PF ka qaadaan Madaxweyne Mugaabe.

Emerson Mnangagwa ayaa laga dhigay G/Xigeenka Xisbigaasi, wuxuuna Hoggaanka dalkaasi sii hayn doona ilaa ay Doorashadad ka dhici doonto sannadka soo socda.