Muxuu ku salaysan yahay Safarka Madaxweyne Gaas Ee Imaaraadka iyo Itoobiya?

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa ilaa beri in ay u anba baxaan dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.
 
Madaxweyne Gaas ayaa ku hormari doona Dalka Itoobiya halkaas oo kulamo kula qaadan doono Madaxda ugu saraysa Dalkaas.
 
Madaxweynaha oo casuumad rasmiya ka helay Ra’isalwasaare Desale,ayaa la filayaa in ay kawada xaajoodaan arimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin..
 
1.Iskaashiga Amniga labada dhinac
2. Ganacsiga gobollada xuduudaha wadaaga
3.Xaalada Guud ee Geeska Africa.
 
Puntland iyo Itoobiya waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah waxaana labada Dal caasimadahooda kala jooga Diblomaasiyiin heerkoodu sareeyo oo ka shaqeeya xiriirka labada dhinac.
 
Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa uga sii gudbi doona Itoobiya Dalka Imaaraadka Carabta oo uu ka helay isagana casuumad rasmiya madaxda dalkaas.
 
Madaxweyne Gaas iyo madaxda Imaaraadka ayaa kawada xaajoon doona sida idil News ay xogta ku heshay arimo ay ugu muhiimsan yihiin…
 
 
1. Arrimaha Dekedda Bosaso
2. Heshiis Dhoofinta Xoolaha ah
3. Amniga iyo argagixiso la dirirka.
 
Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Puntland ayaa leh xiriir dhinacyo badan leh oo soo jireen ah,waxayna dowlada imaaradku si toos ah uga taageertaa dowlada Puntland arimaha amaanka sida la dagaalanka argagixisada iyo Burcad Badeeda.
 
Ganacasatada Imaaraadka ayaa sidoo kale maalgalin balaaran ku sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
 
isku soo wada duuboo Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto ka gadaal markuu soo afmeero booqashooyinkiisa.
 
 
Xaafiiska wararka Idil News Copenhegen.