Video:-Cirro iyo Gudiga Doorashada Somaliland Oo is afgartay

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland C/raxmaan Ciro ayaa sheegay in xal iyo is-afgarad laga gaaray cabashooyinkii xisbiga ee doorashadii madaxtinimada Somaliland ka dib labo maalmood oo wadahadalo u socdeen iyaga iyo guddiga doorashada Somaliland.

Guddoomiye Ciro oo ay shir jaraa’id wada qabteen guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame, wuxuu sheegay in la tixgaliyay dalabyadoodii la xiriiray  degmooyinka Hargaysa iyo Gabilay, islamarkaana wuxuu ku dhawaaqay in xisbigu uu soo celiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen guddiga doorashadda ee ay dhawaan joojiyeen

“ waxaanu islagaranay oo ku soo gunaanadnay in la dhagaysto codsigii xisbiga wadani. Komishanka doorashooyinku waxay cadeeyeen in buugaasi ka mid ahaa, buugaagtii iyagu ay lahaayeen ee ay ugu talagaleen doorashada” ayuu yiri

Dalabyada Xisbiga mucaraadka ee Wadani ayaa waxaa ka mid ahaa in dib loo tiriyo Codadka laga dhiibtay Magaalooyinka Hargaysa iyo Gabilay, oo xisbigu sheegay in la musuqmaasuqay Labadaasi Magaalo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka