Qof Ismiidaamiya ah Oo Dad badan ku laayay Nigeria

Qof isa soo miidaamiyey oo aroortii maanta isku dhex qarxiyey masjid ku yaalla waqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa dilay ugu yaraan 50 qof.

Weerarkan ayaa dhacay ayada oo dadku ay masjidka u imanayeen salaadda subax, magaalada Mubi ee ka tirsan gobolka Adamawa.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, hase yeeshee qaraxa ayaa u ekaa weeraro ismiidaamin ah oo horey ay u fuliyeen mintidiinta kooxda Boko Haram.

Bokor Haram ayaa dishay in ka badan 20,000 oo qof intii ay dagaalka wax iska caabinta wadday muddo sideed sano ah, ayada oo dooneysa inay dal Islaami ah ka sameysao waqooyiga Nigeria ee muslimiintu ay ku badan yihiin.