Ilaalada xildhibaan ka tirsan barlamaanka soomaliya oo dilay xildhibaan barlamaanka galmudug ka tirsanaa .

Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo kamid ahaa Baarlamaanka Galmudug ayaa saacad Ka hor lagu dilay Magaalada Mogdisho , Xildhibaanka ayaa waxaa Baabuurkiisa xabadeeyay Ilaaladda Xildhibaan Abuukaato Oo Ka tirsan Baarlamaanka Somaliya

Xildhibaanka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasta lagu furay .

Xildhibaan Abuukaate oo ilaaladiisu dileen marxuumka ayaa sheegay in gaarigiisa uu ku dhacay gaariga kale ee xildhibaanka geeriyooday taasna ay sababtay in y ka shakiyeen ilaaladiisa.

Waxa uu sheegay markii labada gaari ay isku dhaceen in uu Baastoolad la soo baxay Allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed deetana uu rasaas ku riday mid ka mid ah ilaaladiisa dhaawac ahaana isbitaal loogu qaaday in kastoo oo markii dambe uu geeriyooday.