Video:-37-sano Oo talada Zimbabwe Uu hayay Robert Mugabe Oo soo afjarantay

Zimbabwe's President Robert Mugabe addresses the ZANU-PF party's top decision making body, the Politburo, in the capital Harare, February 10, 2016. Mugabe, the only leader that Zimbabwe has ever known, turns 92 this month amid escalating tensions within his ruling ZANU-PF party over who will eventually succeed him. REUTERS/Philimon Bulawayo TPX IMAGES OF THE DAY - RTX26CYU

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.

Afhayee Jacob Mudenda ayaa aqriyey wax uu ku sheegay warqad ka timid Mugabe, oo u qorneyd sidan “Aniga oo ah Robert Mugabe, waxaan si waafaqsan qodobka 96-aad ee dastuurka, halka kusoo gudbinayaa si-casilaadeyda…taasi oo si deg deg ah u dhaqan galaysa”.

Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ku saabsan warqaddaas oo laga helay xafiiska Robert Mugabe.

Dabaaldegyo ayaa ka billowday xarunta baarlamanka kadib dhawaqa uu sameeyey Mudenda. Sharci dejiyayaasja ayaa xarunta baarlamanka u joogay inay mooshin xilka uga qaadaan Mugabe oo 93 jir ah, kaasi oo Zimbabwe xukumayey 37 sano.

Mugabe ayaa tan iyo toddobaadkii tagey wajahayey cadaadis ku saabsan inuu iscasilo, markaasi oo milatariga ay la wareegeen xarumaha dowladeed ee ugu muhiimsan, islamarkaana xisbigiisa ZANU-PF ay ugu baaqeen inuu iscasilohoos akdaawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka