Ugaas Cumar Gelle Mohamed oo Si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada muqdisho

Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo ka mid ah Duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameedyo ayaa waxay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
 
Ugaaska oo mudo 9-sano ah ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra,iisul Wasaarhii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geedi Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ,Wasiirka Qorsheynta,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.
 
Soo dhaweynta Ugaaska kadib,Ugu horeyn waxaa warfidiyeenada la hadlay Xildhibaanada kala ah Burhaan Aadan Cumar & Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabari oo tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaas Cumar haddii ay yihiin Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkana inta uu joogo Muqdisho wax badan ka faa’ideysan doonaan.
 
Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaaska oo mudo 9-sano ka dib dalka dib ugu soo laabtay.
 
 
Sidoo kale,Waxaa madasha soo dhaweynta Ugaas Cumar Geelle Maxamed ka hadlay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iney ka faa’ideysto hanaanka hogaanka uu qibrad fog u leeyahay Ugaaska maalmaha uu ku sii sugnaan doono magaalada Muqdisho.
 
Ugaas Cumar Gelle Mohamed ayaa wax badan ka soo shaqeeyey Wasaaraddii wax barashada Somaliya asaga oo 192 Dugsi oo uu lahaa gobolka Banaadir,isla markaas-na xukuumaddii AN Siyaas Barre u qayb-say 4 Xarumood uu Ugaask afartama madax ka soo noqday,wuxuu kaloo Ugaas ku ka soo shaqeeyey oo waliba qayb-libaax leh ka soo qaatay Mahrajaan kii Gobolada Waqooyi,sidoo kale wuxuu Agaasime waxaad ka soo noqoday wasaaradii wax barashada Soomaaliya.
 
Ugu danbeyntii,Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo Garoonka kula hadlayay Wariyaasha ayaa marka hore u mahad celiyay dhamaan madaxda Qaranka iyo Duubabka dhaqanka sida wanaagsan ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Muqdisho