Ciidamada badda Puntland Oo gaaray Xeebaha Garacad Ee Gobolka Mudug

Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (PMPF) ayaa la geeyay deegaanka Garacad ee gobalka Mudug.
 
Ciidamadaan ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo Habeen iyo Maalin ka fuliya Badda iyo Bariga, waxaana amaanay dadka ku nool deegaanka Garacad.
 
Ciidamada Bada Puntland ayaa ah ciidan aad udiyaarsan dhan walba ,isla markaana ay ku ladaan shacabka Puntland tagistooda garacad ayaa  kalsxooni xoog leh galisay Dadka deegaanka.
 
Garacad ayaa ka mid ah deegaanada xeebaha Puntland dhaca ee horumarka ku talaabsanaya, waxaana hadda ku sugan dad u yimid ganacsi iyo dalxiis,sidoo kale waxay ku taal meel muhiim u ah amaanka iyo difaaca xuduudaha Puntland.
Halkan hoose ka daawo sawirada