Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo Dhagax Dhigay saldhig boolis oo ay yelanayso Magaalada Yubbe ee Gobbolka Sanaag.

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 26 Nov 2017 magaalada Yubbe ka dhagax dhigay Saldhiggii Afraad ee gobolka Sanaag laga dhagax dhigo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Boqorka Ibraahin Maxamed Xasan Isdeldel [ Gamacma Yare], Nabadoon Cige Jaamac Shire, Nabadoon Saciid Faarax Xasan, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada Yube, isimada, Nabadoonada iyo masuuliyiinta kale ee soo dhoweyseyba uga mahad celiyey sida waddaniyaddale ee ay usoo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa, waxaana uu timaamay Agaasimuhu in magaalada Yube tahay meel muhiim ku ah gobolka iyo guud ahaanba Puntland, isla markaana ay tahay meel ay ku dhaqan yihiin dad dhaqan yaqaana, waxgaradda, sharaf iyo maamuus u saaxiiba.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa xaqiijiyey in Saldhiggii afraad maanta laga dhagax dhigay magaalada Yube ee gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ka dawladda ahaan wax kasta oo lagu hirgelinkaro saldhiggaasi ka diyaar yihiin wakhti xaadirkan, si daasi daraadeedna looga baahan yahay maamulka magaalada, isimada iyo waxgaradka kaleba ka qayb qaadashada dhismaha saldhigga.

“Yubbe waa magaalo muhiimad gaara u leh gobolka, dad dhaqan soo jireen ah leh ay degen yihiin, sidaa daraadeed waxaan garan karaynaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in uu gartay qiimaha iyo ahmiyadda ay leedahay magaaladan iyo dadka degan ee ku dhaqanba, waxaan ka cudur daaranaynaa wixii gaabis ah ee dhankayaga kayimid laakiin maanta waa sidaa inagoo isku duuban aynu u dhagax dhignay Saldhiggii Booliska ee Afraad ee muddo Afar cisho gudohooda aanu ka dhagax dhigno gobolka Sanaag ” ayuu yiri Agasimuhu.

Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa ku booriyey maamulka magaalada Yube iyo shacabkooda inay ku dedaalaan ka qayb qaadashada hirgelinta dhismaha saldhigga, maadaama uu muhiimad gaara uleeyahay xasiloonida, kala danbaynta iyo amaanka magaalada iyo guud ahaan degaanada hoosyimaada, isla mar’ahaantaana waxa uu kula dardaarmay shacabka magaaladaasi inay kawada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka magaaladooda.

Boqorka Ibraahin Maxamed Xasan Isdeldel [ Gamacma Yare] ayaa dhankiisa cadeeyey inay u heelan yiihin gacan qabashada horumarka dhan walbale ee ay dawladda Puntland kawaddo gobolka Sanaag gaar ahaan saldhiggyada muhiimka ah ee laga dhagax dhigay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu xusay in masuuliyiinta iyo shacabka magaalada Yubbe uga mahad celinayaan Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xukuumaddiisaba waxqabadka balaadhan ee ay kafuliyiin magaalada Yubbe iyo guud ahaanba sagaalka gobol ee Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka, cuqaasha, siyaasiyiinta iyo nabadoonada ka hadlay madasha dhagax dhigga ayaa iyana dhankooda si wada jira u xusay in Saldhigga Booliska maanta laga dhagax dhigay magaalada Yube uu yahay horumar u soo kordhay magaalada iyo guud ahaan degaanada hooyimaada, waxaana ay tilmaameen in uu ka qayb qaadan doono Saldhiggu nabadda, xasiloonida iyo kala danbaynta magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Ugu danbayn, Agaasimaha Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl  iyo weftigiisa ayaa kormeeray xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Yubbe iyo sidoo kale tuulada Jiingadda oo hoostimaada magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag.