DEG DEG: Dagaal khasaaro dhaliyay oo dhexmaray Somali iyo Oromo (Daawo)

Ethiopia – Xukuumada talada Dalka Ethiopia haysa ayaa markii ugu horaysay sheegtay in dad ka badan 20 ruux ay ku dhinteen dagaal todobaadkii hore dhexmaray qowmiyadaha Somalida iyo Oromada.

Afhayeen u hadlay Dowlada Ethiopia oo lagu magacaabo Negeri Lenco, ayaa sheegay in deegaanka Oromada laga soo xiray 98-ruux halka dhulka Kililka Shanaad laga soo qabtay 5-ruux, kuwaas oo lalal xiriirinayi inay ka danbeeyeen colaadda dib uga soo cusboonaatay labdan qowmiyadood.

Labadan Maamul ee ka dirsan Ethiopia ayaa muddo dheer ku muran sanaa soohdinta ay wadagaan, iyadoona Xukuuma Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn ay deeganada dagaalku ka dhacay u daad-guraysay ciidamada Military-ga ee dalkaasi.

Bishii April ee Sanadkan ayay ahay markii Madaxwaynayaasha labad dhinac ay ka heshiiyeen colaadda u dhaxaysa, balse dhacdadan ayaa ka dhigay in la jabiyay waxyaalihii laga heshiiyay.

Halkan ka daawo shirka jiraa’id ee Afhayeen Negeri Lenco.