Maamulka Gobolka Nugaal oo baneeyay dhul daaqsimeed la cabirtay (Daawo)

Garowe – Maamulka Gobolka Nugaal oo kashanaya laamaha amaanka ayaa howl-galo dhul banayn ah ka sameyay inta u dhaxaysa dooxada Buura-wadal iyo magaalada caasumada ah ee Garowe.

Howl-gal oo looga hortagayo dad cabirtay dooxadani xoola daaqeenka ah, waxaa qayb- lixaad leh ka qaatay Gudoomiyaha Gobolka Nugal Cumar Cabdilaahi Farawayne iyo laamaha amaanka, iyadoona maamulku adeegsanayo gawaadhida Cagacagafta iyo Iskurogooyin.

Cumar Farawayne Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa amar ku soo saaray inaan la degi Karin dooxadaasi, wuxuuna dad waynaha ugu baaqay in laga waantoobo dhulka laga cabinayo dhul daaqsimeedka Buura-Wadal iyo inta u dhaxaysa Garowe.

 Amarka lagu filanayo howl-galka dooxo banaynta ahay waxaa soo saray Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, iyadoona ay fuliyeen Maamulka Gobolka Nugaal oo ay wehliyaan laamaha amaanka.

    Halkan ka daawo howl-galka.