Hay’adda Somali Social Forum oo raashin u qaybiyey 90 Qoys .

Hay’ada Somali Social Forum (SSF)  oo isu Xilqaantay gargaarka dadkii ay raadka  xun ku reebtay Abaartii guud ahaan geyiga Soomaaliyeed saameysay  ayaa maanta  waxa ay deeq Raashin gudoonsiisay dad ay tiradoodu ahayd  90qoys, deeqdan Raashinka ah ayaa waxaa maalgelinaysay Hay’ad lagu Magacaabo Forum SYD oo laga leeyahay Sweden iyo waxaana deeqdan soo gudbisay Hay’ada Somali Social Forum.

Agaasimaha Hay’ada (SSF) Axmed Xasan Cartan oo deeqda raashinkan ka dib xafiiskiisa Warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey  inay muddo  6 bilood shaqaynayso hay’adan ayna ka faaideysteen 540 qoys oo ay xoolahoodi dhaafeen .

Madaxa Hay’ada Forum SYD ee Puntland Xasan Daahir Maxamuud (Carab) oo goobta ku sugnaa Kormeer Shaqona ku yimid Xafiiska Hay’ada ayaa indha-indheen ku sameeyey habka ay shaqadu u socoto.

Mashruucan Raashinka ee Hay’ada Somali Social Forum (SSF) ayaa waxa uu bilowday Bishii July 2017 waxaana uu soo gababoobi doonaa Bisha December sida ay sheegeen masuuliyiinta Hay’ada.

Hay’ada Somali Social Forum  oo ah hay’ad Facweyn  ayaa waxaa la Aasaay 2011 waxaana ay kasoo hawlgashay goobo farabadan.