DEG DEG – Qadar oo Somalia ugu yaboohday lacag dhan 200 oo Milyan (Daawo)

Muqdisho – Xukuumada Federalka Somalia iyo Qadar ayaa ku kala saxiixday goor dhow magaalada Muqdisho heshiis horumarineed oo ku kacaya 200 oo Milyan (Laba boqol oo Milyan oo dollar) iyadoo saxiixa heshiiskana uu goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Heshiiskan oo ah mid mashaariic horumarineed loogaga hirgelinayo wadanka Somalia ayaa yimid,  kadib markii uu saaka soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu horkacayo Madaxa Hay’ada Horumarinta Qadar  Khalifa Jassim Al Kuwari.

Dowlada Somalia ayaa uga mahadcelisay dowladda Qadar kaalmada horumarineed ee ay ugu deeqday dalkani iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayso gayiga Somalia,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

                                                       Daawo Shirka jiraa’id ee labada masuul.