Jasiiradda Bali oo laga baqdin qabo inuu ka qarxo Foolkaane.

Indonesia – Masuuliyiinta talada dalka Indonesia haysa ayaa dadalo dheerada ugu jira daad-gureynta dadka diiday inay ka fogaadaan jasiiradda Bali taasi oo la filan karo inay ka qaraxdo foolkaano.

Dad tiradooda lagu sheegay 70-kun oodegan jasiiradda ayaa waxay galeen xaalad diyaar garow kuwaasi oo ka digtoon halsita foolkaanada.

Gabi ahaanba waxaa iridada laysugu dhuftay garoonka diyaaradaha eek u yaal Jasiiradda Bali, iyadoona la xayiray  socdaalka dadka u soo dalxiis taga jasiiradda.

Reer Bali ayaa la dhibaateysanyihiin daadadka uga yimaada buurta Agongo, waxaana hadda ku harsan goobta dad gaaraya 40 ku oo ruux,

Buurta Jasiiradda Bali ayaa bishii Sebtember bilowday gariir, taasi oo horseeday baqdinta laga qabo dhul gariir ka bilowda buurtaasi.