MAQAAL:- HARDANKA GARBAHA SOOMAALIYA..IS-MARIN WAAGA DOWLAD-DHEXE IYO FEDERAALAYNTA!

Soomaaliya maanta waxaa ka jira loollan adag oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe kaas oo soo maray heerar iyo qaabab kala duwan , dowladda dhexe waxay walwal kaqabtaa awoodda iyo saamaynta isa soo taraya ee dowlad goboleedyadu la soo baxeen, waxayna u aragtaa inay duulaan ku yihiin kuraastooda, taas oo halis galin karta dadaalada iyo ruclaynta (dowladda dhexe) ay ugu jirto la kali-noqoshada iyo maroorsashada awoodda guud ee dalka.
 
Aniga taasi iima muuqato, waxaan u arkaa in sirta ku duugan hormarka dowladda dhexe ay ku jirto in xiriir dhow ay lasamayso dowlad goboleedyada ayadoo adeegsanaysa siyaasad furfuran oo sabab u noqan karta isu soo dhawaansho labada dhinac , wixii isfahanwaa ahna xal laga gaaro , tani waa istiraatiijiyad ku qotonta u hiilinta danaha wadanka iyo hirgalinta nidaamka lagu heshiiyay ee federaalnimo, taasi waxay dhabbada u xaaraysa in wadanka laga samato bixiyo duruufaha adag ee in mudda ahba la’ildarnaa.
 
Dowladdaan, Hab-dhaqankii aanu ka aragnay sagaalkii bilood ee ay jirtay waxay noqotay mid ka duwan wixii laga filayay oo ahaa hirgalinta nidaamka federaalinimada , dowladda dhexe waxay door biday colaadinta nidaamka federaalnimo ee lagu heshiiyay, nidaamkaan waa mid kulmiyay dhammaan qaybihii ku kala duwanaa siyaasadda kadib markii lagu bixiyay dadaal dheer dhibaatooyin badana lagala soo kulmay.
 
Buug uu qoray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya haddana ah madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Prof: c/wali Maxamed Cali Gaas , cinwaankiisu yahay caqabadaha ku horgudban in laga gudbo marxaladda kumeelgaarnimada , wuxuu ku sheegay buuggiisa in nidaamka federaaliga uu yahay mid dhayaya boog in badan hoos uqodan iyo in dib loo hanto wixii lawaayay ee ah tiirarka iyo nuxurka wadaninimo , waddada kaliya ee lagu hanan karana ay tahay in layagleelo xukuumad dhexe oo kulminaysa qaybaha kala duwan ee bulshada, taasoo dammaanad qaadaysa qaybinta awoodaha iyo khayraadka si siman oo ay cadaaladi ku dheehan tahay.
 
Federaalnimadu ma tahay nidaam laga hirgalin karo Soomaaliya?
 
Inta aanan u guda galin faa’iidooyinka iyo khasaaraha nidaamka federaalka uu leeyahay , qaababka iyo noocyada kala duwan ay noqoto , bal marka hore waa inaan is lafahanaa in dowladdii Soomaaliya ka jirtay ay eersatay xukunkii ku dhisnaa kali-talisnimada ee gacanta bireed wadanka ku maamulayay hogaankana uu hayay Maxamed Siyaad Barre(AHN) , taasi waxay dhalisay in lagala horyimaado kacdoon iyo diidmo qayaxan kadib markii loo adkeesan waayay nidaamkii qalafsanaa ee u diiday inay dadku cabiraan dareenkooda danahoodana ka hadlaan, xuquuqdooda asaasigana duudsiiyay , si ula kacna u gacan-bidixeeyay gobalada ka fog xarunta dhexe , falcelintii laga sameeyay cadaadikaas waxay keentay dhibta illaa iyo maanta nahaysata.
 
Haddaad si hoose u dhuuxdid xusuus qorkii uu qoray madaxweenihi hore ee soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed (AHN) cinwaankiisuna ahaa (Halgan iyo Hagardaamo ) waxaa kuu soo baxaya in xalka Soomaaliya marnaba uusan dhameestirmaynin illaa labalaadhiyo wadatashiga , hanaanka siyaasadana laga qaybgaliyo dhamaan awoodaha iyo qaybaha siyaasadda ee kala duwan , waxaa la yaqiinsaday caqliyada ku dhisan isfogaynta iyo isfaquuqidda aan laga dhaxlin wax aan ka ahayn kala fogaansho iyo isnacayb , awood-aruusan oo aan baahsanayn maahan mid ku habboon mujtamac qaab-dhismeedkiisu somaaliyoo kale yahay oo u kala qaybsan qabaa’ilo gobalo kala duwan degaan.
 
Nidaamka dimiquraadiga ee soomaaliya u baahan tahay waa mid tixgalin siinaya qaab-dhismeedka qabiilka ee wadanka si loo ilaaliyo isu-dheelitirnaanka qabaa’isha si looga badbaado isku-dhac , waa in la iswaafajiyaa nidaamka dimuqaraadiyadda iyo federaalnimada ee hab-qabiileedka ud hisan si loo helo nidaam ku haboon nidaam beeleedka wadanka uu sameesanyahay.
 
Shirkii jabuuti lagu qabtay bishii lixaad ee 1992 dii oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno matalayay aduunwaynaha , waxay is laqaateen qodobo lagu tilmaamay kuwa taariikhda baal dahaba ka galay oo ahaa xoojinta iyo taabagalinta nidaamka federaaliga ah , si geesinimo leh ayaa lasoo jeediyay fikrad ku dhisan in dowlad goboleedyada ayagu ismaamulaan si ay u hormariyaan goboladooda , wuxuu ahaa heshiis matalayay rabitaanka dhabta ah ee awoodaha kala duwan ee wadanka kajiray , maqcuul matahay in xukumaada federaalka inaysan kawarqabin heshiiskaas kaasoo aan hayno nuqul kamida, aanu ognahayna in ay kasoo wareegtay muddo kabadan 20 sano , waa wax aan laqaadan Karin in daaqada laga tuuro dadaalki loo galay in umadda heshiis ladhex-dhigo layskuna keeno.
 
Khilaafka khaliijka
 
Dhibaatada kataagan khaliijka waxay saamayn ku yeelatay Soomaaliya , afar dowladood oo carab ah ayaa waxay go’aan ku gaareen inay ku soo rogaan dowladda Qadar cunaqabtayn dhinaca dhulka baddda iyo cirka.
 
Markii laga fiiriyo dhinaca akhlaaqda waxaa munaasib ahayd in dhexdhexaad laga noqdo khilaafka walaalaha carbeed dhexdooda ka aloosmay , iyo in ladhiiri galiyo in khilaafka lagu soo afmeero wadahadal , lakin su’aasha isweediinta mudani waxay tahay: maxay soomaaliya u dooratay mowqifkaan dhexdhexaadanimada ah oo ay dad badani u arkaan inay uxaglinayso dhinaca Qadar ?! go’aankaan masiiriga ahi, maxaa wadatashi looga galinwaayay maamul goboleedyada ?
 
Waxaa laga yaabaa dadka qaarkii inay isweediiyaan maxaa kagalay dowlad goboleedyada wixii kusaabsan xiriirka dibadda ayagoo milicsanaya dastuurka wadanka qodobkiisa 54-Aad oo ay ku caddahay in wixii laxiriira umuuraha dibadda,lacagta , difaaca wadanka, iyo baasaboorka ka talinteedu ay ku kooban tahay dowladda dhexe aysana boos uga banaaneen dowlad goboleedyada , taasi waa sax, shakina lama galin karo; lakin waxaa jira qodobka 53-Aad oo xaq usiinaya in maamul goboleedyada go’aannada masiiriga ahi laga qaybgaliyo go’aan kagaaristeeda.
 
Go’aanka ay lakali noqotay dowladda Federalka ah waxaa shaki sii galiyay oo sii murjiyay xaaladaan waxay ahayd in go’aankaasi aan lamarin labada aqal kan hoose iyo kan sareba.
 
Maaraynta khilaafaadka udhexeeya dowladaha carabta iyo go’aan kaqaadashadooda maahan mid ugub ku ah Soomaaliya , heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Camp David, Soomaaliya waxay lasafatay wadanka Masar kadib markii Masar ay go’doomiyeen dowladaha carbeed intooda badan, waxaa kaloo jiray khilaafkii Kuwait iyo Ciraaq in Soomaaliya ay la safatay Kuwait taas oo marnaba aanan laga filanayn , illaa hadda Kuwait abaal ayay u haysaa Soomaaliya , mar aan booqday Kuwait dhamaadkii 2015kii waxaan soo ogaaday in ardayga soomaaliga ahi uu ku dhigto dugsiga hoose iyo kan saraba lacag la’aan ayagoo abaal uga dhigaya mowqifkii halyeeynimada ahaa ay kula safteen wadankooda.
 
Kadib markii , xukuumada Soomaaliya ay qaadatay go’aankii dhexdhexaadnimada , dowladda Qadar waxay ku dhaqaaqday talaabooyin ay uga golleheed inay uga baxdo go’doominta ,waxay ku tilaabsatay in dowlado badan ay kacafisay dalkugal (visa), waxaa nasiib daro ahayd in Soomaaliya aysan ka mid ahayn dowladahaasi, Qadar waxay balaadhisay xidhiidka dhaqaale ay lalahayd dowlado qaatay mowqifka soomaaliya oo kale oo waxaa ka mid ahaa Sudan, Ethobia, Oman , waxaan si deganaansho iyo isqadarini ku dheehan tahay u waydiinayaa xukuumadeena anagu booskee kataaganhay mashariicdaas Qadar ay kutaagayreeso kuna abaal marinayso dowladahaasi aanu isku mowqifka ka ahayn khilaafka gacanka carbeed ?
 
Talooyin looga bixi-karo ismaan-dhaafka siyaasadeed
 
Somaaliya maanta waxa ay dul hoganaysaa dhardhaar karkaraya taasoo ugu wacantahay samayn dibadeed oo fara kulul ku haya , jiwigaana waxaa hareeyay khilaafaad siyaasdeed ee gudaha ah , si looga baxao waxaan soo jeedinayaa talooyinkaan hoos ku taxan:-
 
1) Khilaaf kasta oo u dhexeeya umadi waxaa asal u ah isfahanwaa, Isfahan-waagaasi waxuu kasoo unkumaa go’aamo iyo qodobo aan si fiican loo karkarin loogana fakirin ,taasina waxay kasoo ifbaxdaa aragtida iyo mowqifka uu qofku qaadanayo , taasi waa meesha ay ka soo burqanayso iskudhaca soo laalaabta ee udhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada , sii looga gashaanto arintaa waa in xukuumadda ay dhamaystirtaa dastuurka qabyada ah ee isfahanwaaga marwalba dhaliya.
 
2) in dowladda dhexe ay xilwayn iska saarto sidii ay uqancin lahayd dowladaha qaybta ka ah federaalka iyo in si dhab ah loo hirgaliyo shuruucda inoo dajisan ee nafaraysa taabgalinta iyo baahinta nidaamka federaalnimo.
 
3) In laga fogaado caqliyadda kudhisan faquuqidda qaabaailada misaanka culus leh si uusan khalkhal ugu imaan dheelitirka siyaasadda , Dr towfiiq asagoo kahadlaya waxyaalaha keenay in mashruuca xarakada islaamiga ee soomaaliya uu la hanaqaadi waayay waxa uu kusheegay inaysan kafaa’iideesan qaabaa’isha waawayn ee saamaynta leh.
 
4) In dowladda ay u furfurnaato dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada , dad badan waxay uga gows-qabsanayaan dowladda dhexe waxay tahay inay fuquuqid iyo is fogayn kucaan baxday ayagoo iskugu soo aruuray kooxyar oo kaduulaya aydaloojiyada ama fikir qura oo mideeya.
WQ.Cabdifitaax Nuur Ashkir