Puntland oo ka hadashay xirnaashaha Dekedda Bosaso (Daawo)

Garowe – Dowladda Puntland ayaa maanta ka hadashay xirnaanshaha dekadda magaalada Boosaaso iyo muranka u dhexeeya ganacsatada qaar iyo dowladda, kaasoo ku aaddan sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Garowe ayaa sheegay in dekadda Boosaaso ay fowdo ku hayaan wakiiladii doomaha al-waaxa ah oo keliyah.

Wasiirka ayaa eedayn kulul u jeediyey wakiiladaas oo uu sheegay in ay ka shaqeeyaan doomo aan caymis lahayn,islamarkaana halligaya naf iyo maal wixii la saaro.