Wasiir Bayle oo bilaabay qaab casri ah oo lacagta lagu siin doono ciidanka Somalia (Sawirro)

Cabdirahmaan Bayle Ducaale Wasiirka Maaliyadda Dowlada Federalka ayaa maanta daah-furay diwaangalinta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay taariikhda Somalia, askari walbo mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah.

Tilaabadan casriga ah oo horsed u yahay Beyle ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo nidaamka lacagaha kaashka ah gacanta loogu qeybiyo ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay haddii tilaabadan  si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqondoonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mishaar joogta ah.

Diiwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada.

Ciidamada xoogga dalka ayaan mushaarkooda si toos ah u helin waxayna ciidamada helaan dhowrkii bilood mar hase yeeshee lama oga sida ay suurtogal u noqon doonta in askar ku jira furimaha ama meelaha ka fogfog magaalooyinka ay ugu qaadan karaan mushaarkooda akaawn bangi.