Wasiirka Amniga Somalia oo digniintii ugu danbaysay u diray masuuliyiinta Dowladda (Daawo)

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Amniga Somalia  Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa markalle soo saaray go’aamo ku socota saxafiyiinta, ,milkiilayaasha hotelada iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda gaar ahaan kuwa wata ilaalada ka badan 4 askari.

Islow, ayaa mar sii horaysay sheegay in marnaba aan la aqbali karin in masuuliyiinta ay ilaaladooda ka badiyaan afar ruux, wuxuuna fariin gaara u diray mulkiilayaasha hotelada Muqdisho.

“Waxaan ognahay in shirar aan dowladda ka warqabin lagu qabto hotelada Muqdisho, hadaba waxaan uga digeyna milkiilayasha hotelada in taasi aysan ogolaadaan,waxana uga gol leenahay in aan ilaalino amniga ee maahan in aan caburineyno Milkiilayaasha Hotelada” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somalia  Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa cadeeyay in talaabadaan ay dhaqan galeyso laga bilaabo maanta oo ah 30,ka Bisha November 2017.