Roobow oo gaaray Baydhabo, si diirana loo soo dhaweeyay (Sawirro)

Baydhabo – Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa gaaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud.

Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal Dhaqameedyo iyo qaybaha bulshada, ayaa Sheekh Roobow iyo xubnihii la socdayba ku soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud.

Abuu Mansuur oo safarkan uu ku wehlinayo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in muddo dheer ka dib uu ku soo laabto Magaalada Baydhabo.

Mansuur ma sheegin ujeedada uu xilligan u yimid Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, hase ahaatee uu dib dadka uga warbixin doono.

Sheekh Mukhtaar, ayaa intaasi ka dib waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Baydhabo, oo caawa uu ku hooyanayo.