Saalax iyo Xukunkii Yemen: Kharaar iyo Macaan!WQ.Saalim Said Saalax

1. Cali Cabdalle Salax waxa uu ahaa madaxwaynihii ugu xukunka dheeraa ee Yemen soo mara isaga oo muddo 30 sanno ka badan dalka xukumay (1978-212) , waliba wuqooyi iyo koonfur oo wada jira iksu xukumay. Cali hortiis , madaxwaynayaasha intooda badan waa la dili jiray iyagoo aan wax yar joogin . Cali wadanka Yemen waxa uu la soo maray duruufa kala duwan, dalkana waa dhisay dhanka kaabayaashasida jidadka , dekadaha iyo jaamacadaha , haseyeeshee , dalka kama hirgelin hannaan maamul wanaag oo suurta geliya dawlad casri ah , waxana Yemen la degay musuqmaasuq , qabyaalad iyo eex keentay in dalku noqdo dalka ugu faqrisan dunida Carabta.

Saalax masoo noolayn kaalintii dekadda Caden ee taariikhiga ahayd oo haddii uu ku dhaqaaqi lahaa , Yemen ka dhigi lahayd dal muhiim ah , dhaqaale badana hela , waxaana arrintaas ka horistaagay UAE oo ugu bedeshay malaayiin lacag oo baqshiish ah, waxayna adeegsan jireen wiilashiisa si aan Odaga marna hawshaas u u guda gelin, waxayna markii dame UAE ku guulaysatay inayba hesho heshiis looga kiraynayo dekadda , taas oo hoos usii dhigtay dekadda adeegeedii .

2- Saalax Yemen waxa uu ka dhisay ciidan xoog leh oo la sheego inuu ahaa ilaa awoodda 5aad dalalka Carabta , haseyeeshee ciidankaas markii dame waxa uu kusoo ururiyay guutooyin u badan reerka uu ka dhashay oo ah reer ballaaran (xaashidi) iyo guutooyin ku abtirsada mad-habta Zaydiga , waxa uuna meesha ka saaray badi ciidamadii kasoo jeeday dhanka Koonfurta iyo gobolada dhexe oo wada sunni shaaficiya ah.
.
3- Saalax waxa uu inta badan mawqif adag ka istaagi jiray arrimaha Carabta , wax heshiis ahna lama gelin Isreal , waxa uuna dagaalkii Saddaam uu ku qabsaday Kuweit la saftay dalkii Ciraaq , taas oo Yemen go’doomin iyo dhaqaale burbrur kasoo gaaray markii dawladihii Khalaaijka ee hodonka ahaa cayriyeen xoogsatadii Yemen , joojiyeena mashaariicdii horumarinta ee dalkaas ay ka wadeen. Inkasta oo mawaaqifta adag ee uu qaadan jiray ay sabab u ahayd caadifadda iyo ficilka shacabka Yemen oo barisaamaadkoodii aad ula safan jiray Falastiin iyo Ciraaq , una arkay Saddaan halyay Carbeed, ilaa rag badan oo reer Yemen ah ku shahiideen Ciraaq dagaaladii dalkaas lagu qaaday iyagoo gurmad ah.

4- Cali waxa uu xilliyadii dame dalka ku waday qaybi oo xukun oo waxa uu iska horkeeni jiray kooxaha iyo qabaailka si uu xukunkiisa uu adkeeyo, isuguna mashquuliyo, waxana la sheegaa in Xuuthiga laftooda uu gacan ku lahaa samayntooda . Waxaa saraakiishii ka qaybgalay dagaaladii uu Salax Xuuthiga la galay intuu madaxwaynaha ahaa laga soo wariyaa in mark kasta oo ay u dhawaadaan inay soo afjaraan Xuuthiga ay heli jireen amaro ah inay dagaalka joojiyaan. Mararka qaarna waxaaba la khaarajinjiray saraakiisha wacdaraha ka dhiga dagaalka lagula jiro Xuuthiga , qaybtoodana si mucjisa ah ayay uga badbaadeen sida Jeneraal Muxsin isku day dil . Saalax waxa uu albaabada u furay dadki reer Ciraaq ee Saddaam ka agdhawaa waxaana saraakiil waawayn, dhaqaatiir macalimiin jaamacadeed iyo rag kale oo Bacthi ahaa magan galeen dalkii yemen .

5- sanadii 2011, Yemen waxaa ku dhufatay dabayshii isbadaldoonka ee loo baxshay “Guga Carabta” waxaana dadka Yemen ay bannaan baxyo waawayn ku dalbadeen in Saalax xukunka ka dego. Tallaabadaas Saalax waxa uu kala hortegay nacayb iyo dagaal , wuxuuna isku dayay inuu damiyo laakiin uma suurta gelin. Saalax kacdoonka waxa uu ku waayay ururka Islaax oo iyagu la saftay shacabkii kacsanaa , halkaasna ku buriyay gacansaarkii iyo heshiiskii iyaga iyo Saalax ka dhexeeyay, waxaana la xusuutaa kaalintii Shiikha Caanka ah ee Zandaani ku lahaa xoojinta iyo dhiirigelinta dhalintii dalbanayay isbedelka . Saalax oo aan xilligaas ku quus qaadan taariikhda iyo wacyiga , wuxuu guda galay inuu dagaal ku qaado shacbaka , hoosna kala heshiiyo Xuuthiga oo cadawtinimo wayn u hayay Islaaxa iyo Salafiyiinta .

6- sandii 2012, Saalax markii qarax lala beegsaday kacdoonka oo socda isaga oo ku sugan Masjid ku yaal madaxtooyada , loona qaaday Sucuudiga si loogu daaweeyo , waxa uu la kulmay cadaadis ah inuu xukunka ku wareejiyo ku xigeenkiisa Cabdi Rabbi Mansuur oo kasoo jeeda koonfurta oo aan tol iyo xoog ciidan oo la sheego aan ku lahayn Sanca iyo wuqooyiga, itaas bedelkeedana la siiyo Saalax xasaanad buuxda iyo in aan wax loo raacan doonin . Intaasi Saalax kuma filnaan , waxa uuna noqday nin wali hunguri xun oo rajo ka qaba inuu awoodda kusoo ceshado hab adfgenbi dadban ah , wuuna taayarada kala baxay dawladdii Haadi maadaama wali ciidanka iyo madaxda dawladda badi ay ahaayeen ragiisii reernimada iyo xisbi ahaanta dalka ugu dhiibay.

7- Qorshaha dib usoo noqoshada waxaa Saalax ku taageersanaa UAE iyo Sacudiga oo ka cabsi qabay Islaaxa (garabka Ikhwaanka) awoodda ku yeeshay xukuumadda Haadi , una arkay mid aan la aqbali karin. Waxaa muuqatay in labadaas dal ay Xuuthiga iyo Saalax ba la ogaayeen wiiqista dawladda Haadi oo ka dhalatay gacaankii shacabka Yemen , waxaana sidaas xaqiijiyay maalmo ka hor Jeneral Anwar Cishqi oo ah jeneraal hawlgab ah oo aad ugu dhaw reer Aala Sucuud isagoo ku cataabay in gantaalaha lala dhacayo Sucuudiga lagu soo gaday lacagihii horay labadaas dal u siiyeen Saalax iyo Xuuthi.

8- Si haddaba Saalax usoo noqdo, waxa uu sameeyay maalma ka dib markii uu xukunka wareejiyay inuu caqabad ku noqdo dawladdii cusbayd , waxa uuna kiciyay ciidankii oo diiday inay amar ka qaataan Madaxwaynihii Cusbaa , waxa uuna ku dheerigeliyay Xuuthiga inay soo dhaqaaqaan oo ilaa caasimadda yimaadaan. Xuuthiga markiiba hub badan ayay soo qabsadeen oo xeryo badan ayay hub culus ka heleen maadaama ciidankii taageersanaa Saalax ay usoo banneeyeen furimihii iyo xeryihii , waxay cagta mariyeen iyaga oo taageero ka helaya Saalax guutooyinkii koobnaa oo Islaaxa ku lahaayeen ciidanka oo isku dayay inay joojiyaan Xuuthiga soo doobinaya , waxaana ugu adkaa ciidanka guutadii uu watay Jeneral Qushaybi ee Camraan fadhiday oo isagu diiday inuu ka horwareego Xuuthigii u socday Caasimadda lana galay dagaal qaraar ilaa saadkii ka go’ay , gacantana lagu dhigay , lana dilay. Waxaana dilka Qushaybi qayb ka ahaa Xuuthiga, Saalax iyo Imaaraadka oo u arkay guutadaa caqabad ku taagan oo muujinaysa in Islaax ama Ikhwaan wali xoog ku leeyihiin ciidanka .

Dilkii Qushaybi waxa ay farriin u noqotay saraakiishii kale ee Islaaxa, gobolda dhexe iyo koonfurta ka soo jeeday oo u fahmay mu’aamarada ka wayn oo socota oo aanay horistaagi karin Xuuthiga iyo Saalaxa is garabsanaya ee haddana Iraan iyo Khaliijka wada riixayaan , waxayna kala direen ciidamadii daacadda u ahaa . waxaana ragaas ugu caansanaa Muxsin Al-amar oo Saalax isku reer yihiin , lafihiisana la baxsaday , haatana ah madaxwayni ku xigeenka dawladda Haadi .

9- Saalax waxa ay u ahayd Sanca oo Xuuthi qabsaday fursad sida ay la noqotay waxa uuna hoos xiriir kala sameeyay UAE oo wiilkiisa wayn Axmed Safiir ahaan ilaa haatan u joogo, sidoo kale waxa uu xiriir dhaw la yeeshay Iran , Cuman iyo Ruushka. Saalax waxa uu lumiyay KSA oo taagertay dawladdii uu ka cayrsaday Sanca waxayna fashilisay isku daygii qabsashada Koonfurta ee uu Xuuthiga la maleegay Saalax iyadoo wax loo baxshay “isbahaysiga Carbeeed ” Sucuudigu abaabulay si mar kale Sanca loo xoreeyo dalkana Xuuthi iyo Saalax looga saaro . Saalax waxa uu ciidan iyo xoog dul dhigay furimaha dagaalka isaga oo ku taageeraya Xuuthiga inay isdifaacaan oo aan laga adkaan. Saalax waxaasoo dagaal ah waxa uu u samaynayay in uu ugu damayn Xuuthiga iska wareejiyo marka uu ku shaqaysto, laakiin Xuuthiga oo ah jabhad caqiido ku dhisan , dawlado waawayna riixyaan sida Iraan waxa ay gacanta ku dhigtay ciidankii awalba Zaydiga ahaa, waxa ayna Saalax uga dheereeyeen qabailka iyo culumada Zaydiga , waxaana ay tartiib tartiib gacanta ugu dhigeen wuqooyiga taladiisa oo dhan..

10- Saalax hoos ayuu ka guuxayay , wuuna dareemay dagaalka hoose ee ku socda laakiin waxaa hoday rag badan oo hunguri ku raacsanaa ee aan mabda’a ula joogin oo markasta lahaa adigaa dalka xukuma si ay mushaaraadka joogtada ah uga gurtaan . Saalax iskama garan in uu wajahayo koox caqiido ku dirir ah ,oo hoos ka guranaysa ragiisii halka isaga uu haysto rag hunguri iyo damac xukun u agjooga, waxaana uu runta wajahay maalma ka hor markii uu dagaal la galay Xuuthiga .

11- Dagaalka markii hore Saalax lagama waalin waxa uuna mooday in isaga gacanta sare leeyaahay , waxaana Xuuthiga iska dhigeen kuwa lagu soo duulay , wuxuuna madaxa Xuuthiga Cabdimalik Xuuthi u diray Saalax hadal baryo iyo cataw loo fahmay laakiin ahaa “nin kuu digay kuma dilin”. Saalax ragiisa markiiba waxa ka horyimi duufaan ciidamo ah , waxaana qabsaday dagaal u baahan rag badan iyo gurmad , haddii dagaalkii xoogsaday cidda kaliya uu helay Salax oo difaacday waxay dhaafi wayday ciidan uu wato wiilka uu adeerka u yahay ee Daariq oo isagu si mintidnima ah isugu dayay inuu adeerkii u difaaco laakiinse laga awood roonaaday iyo rag tira yar oo odaga abaal iyo axdi ka dhexeeyay. Saalax waxaa dagaalka uga baxay qabaa’ilka ku xeeran caasimadda oo markii hore ballan beenaad u dhigay , kana baxay dagaalka markii Xuuthiga soo giirtay. Saalax waxa kaliya oo miciin u ahaa laakiin aan wax wayn u tarin diyaaradaha dagaalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo iksu dayay inay ilaa shalay iyo xalay cirka ka duqeeyaan Xuuthiga , hase yeeshee, aan wax wayn soo kordhin karin maadaama dagaal magaalo aan diyaarado wax badan kusoo kordhin , sida uu ku cataabay diplomaasi Maraykan ah oo Yemen kasoo shaqeeyay “Saalax diyaarad uma baahnayn ee ciidan dhiiran oo loo diro ayuu u baahnaa oo badbaadiya”.

12- Isku soo wada duuboo, Saalax maanta ayaa dagaalkii lagu dilay , xabadaha ku dhacay waxay u egyihiin bistoolad taas oo macnuhu yahay in inta la qabtay si afgelis ah madaxa looga toogtay. Saalax alla ma garansiin inuu si sharaf ah xukunka uga tago, kumana cibra qaadan Qadaafi, khiyaano iyo hadba qolo inuu qolo ku garaaco oo muddo usoo shaqaysay ayuu islahaa mar walba waad ku macaashin , wuxuuna u ku faani jiray inuu yahay sidii nin “ku dul ciyaaraya madaxyo abeeso” in kasta oo uu la ciyaari kari waayay Xuuthiga, qadartuna baday inuu ka cabbo isla koobkii uu rag la mida ka cabsiin jiray.

13- Saalax wuxuu wanaaag iyo xumaan lahaa waa tegay, wuuna qayb ka yahay taariikhda dalka Yemen nin neceb iyo nin jecel , waxa uu ka tegay dal buburay, faqri ah , dadkiisuna gaajo iyo cududr la liitaan, ayna ku hardamayaan quwado shisheeye oo wajiya badan.

14- Soomaalida waxa ay ku xusuusataa Saalax isaga oo go’doonsan , Yemena dhaqaale xumo la ciirayso, Khaliijna diiday inuu biya kawaraabiyo, dad badan oo Yemeniyiin ah Khaliijka soo eryayna la liicaysa inuu uu albaabada u furay kumanaan Soomaali qaxooti ahaa inay dalkiisa soo galaan oo ka cararayay dagaalkii sokeeye , wuxuuna xilligaas kala hadlay dadkiisa TV ga isaga oo dalbaday in shacab iyo dawlad lasoo dhaweeyo Soomaalida qaxaya . Dabcan , khilaaf ma jirin dawladda Yemen dhexdooda ka jiray oo ku aadan soo dhawaynta Soomaalida,taariikhda iyo xiriirka labada dalna sabab wayn ayay ahayd , laakiin waxaa la sheegaa in rag reer Wuqooyi ah ay cabsi ka qabeen in Soomaalida qaxootiga ah hadhaw hiil u noqdaan qolyaha Caden ee Saalim Albiid horkacayay haddii la diriro maadaama Soomaalida xiriir dhaw oo taariikhi ah kala dhexeeyo iyo shakhsiyaad tira yar oo jaaliyaddii Yemen ee Koonfurta Soomaaliya ka qaxay oo Yemen gaaray oo rag ka tirsanaa sheegeen in dadka qaxaya qaarkood yihiin qabaailkii xoolahooda ku dhacay Koonfurta Soomaaliya .

Abaalakas waxa hubanti ah in uu yahay sababta Soomaali badan u jecelyihiin ama u ixtiraami jireen Cali Saalax , waliba waxa dawladiisa ugu deeqi jirtay dhalinta Soomaalida deeqo waxbarasho oo kumanaan dhalin ah u suurta gelisay inay ka aflaxaan jaamacadaha iyo macaahida dalkaas.

 
%d bloggers like this: