Wasiirka Maaliyadda Puntland Oo Golaha Baarlamaanka Horgeeyay Miisaaniyadda (Sawiro)

Wasiika Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa maanta hortagay Golaha Baarlamaanka oo uu horgeeyay Miisaaniyadda Puntland ee sanadka 2018-ka, taasi oo ay horay uso Ansixiyeen Golaha Xukuumadda Puntland.

Cabdullaahi Siciid Caarshe Dhaqaaje oo Baarlamaanka uga Xogwaramay Miisaaniyadda, ayaa sheegay in Miisaaniyadu ay ka kooban tahay;

1. Dakhliga Gudaha
2. Dahkiga Dawladda Hoose 7 dagmo
3. Mashaariicda Bangiga Aduunka
4. Mashaariicda Qaramada Midoobay.
Shaxda hoos ku qoran waxay muujinaysaa koror dakhliga oo kala ah sidan
1. Dakhliga Gudaha US Doller 450,000
2. Dakhliga Dawladaha Hoose 7 degmo US Dollar 2,547
3. Mashaariicda Bangiga Aduunka US Dollar 141,958
4. Mashaariicda Qaramada Midoobay US Dollar 812,238
Wadar Koror US Dollar 1,406,743.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa Baarlamaanka u sheegay inay si wayn uga fakareen Miisaaniyadda ka hor inta aysan uso gudbin, ayna tahay Miisaaniyad dheeli tiran.

Baarlamaanka Puntland ayaa ka Doodi doona Miisaaniyadda, waxaana ay cod u qaadi doonaan maalmaha soo socda hadduu ALLE idmo.
Wasiir Dhaqaaje ayaa rajo wannaagsan sheegay inuu ka qabo in Baarlamaanku ay Ansixin doonaan MIiisaaniyadda Puntland
Sawirada Hoos Ka Daalaco;