Dawlada Puntland Oo Gaalkacyo Ku Qabatay Kulan Balaaran Oo Looga Hadlay Tacadiyada Haweenka (Dhagayso)

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah bulshada Puntland, ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayay tacadiyada ka dhan ah Haweenka, kaasi oo ahaa mid si wayn loso agaasimay.

Wasiirka Haweenka dawlada Puntland Marwo Faa’ido oo Daahfurtay Kulanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in si wada jir ah la isaga kaashado sidii looga hortago lahaa tacadiyada, waxaana ay xustay in kulamo kuwan dhigooda ah ay horay ugu qabteen qaybo ka mid ah gobolada Puntland.

Waxay sheegtay in muhiim ay tahay in bulshadu ay si wada jir ah uga qayb qaataan Illaalinta haweenka, isla markaana dawlada Puntland ay ka go’an tahay illaalinta Xuquuqda haweenka.

Xkildhibaan Shukri Maxamed Aadan oo ka mid ah Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka hadashay kulanka, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ka qayb galka kulanka, waxaana ay sheegtay in kulanku uu muhiimad balaaran xambaarsan yahay.

kulanka ayaa qayb ka ah kulamo ay Wasaaradda Haweenka Puntland muddooyinkii ugu dambeeyay ku qabanaysay qaybo ka mid ah Puntland.

www.idilnews.com.