DEG DEG – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday rag ku eedaysanaa Shabaab (Akriso)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Talaado ah waxay xukun ku riday 4 nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysnaayeen inay ka mid yihiin Al-Shabaab.

Gudoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

 

  • Cabdiqaadir Abukar Shaacir  – Dil toogasho.

  • Maxamed Cumar Akiile     –     Xabsi Daa’im

  • Daa’uud Maxamed Cali     –     10-Sano oo xabsi ciidana

  • Cabdilaahi Ibraahim Geesey  – 2-Sano oo xabsi ciidana.

 

                     Ayub A. Ali  – Idil News