DEG DEG – Wiilka uu dhalay Cali Cabdallah Saalah oo u hanjabay kooxdii dishay Aabihii.

Axmed Cali Cabdallah Saalah, oo ah wiil jeneral ah oo uu dhalay Madaxweynihii Hore ee dalka Yemen Cali oo shalay lagu dilay magaalada Sanca ayaa waxaa uu ku hanjabay aargoosi kadib markii uu wareysi siiyay taleefishin lagu magacaabo al-Ekbariya oo laga leeyahay dalkaasi Sacuudiga.

Waxa uu hanjabaadan u diray maleeshiyada shiicada ah ee Xuutiyiinta kuwaas oo lagu eedeynayo dilka aabihii oo shalay ka dhacay magaalada Sanca.

” Aniga ayaa hoggaamin doona dagaalka dalka looga xoreynayo Xuutiyiinta, dhiigga aabaheyna waxa uu cadaab ku noqon doonaa dhawaqa dhagaha Iran”

Xuutiyiinta ayaa gacan ciidan ka hela dowladda Iran oo ay diin ahaan wada wadaagaan firqada Shiicada.

Dilka madaxweynihii hore ee Yemen ayaa kusoo beegmaya xilli ka yar isbuuc markii uu sheegay in uu wadahadal la galayo xulufada Sacuudiga.

Ayub A. Ali – Garowe.