Dhageyso:-Xildhibaan Xidig” Qurbajoog Badan Ayaa La Keenay Oo Aan Ogeyn Halka Uu Marayo Dastuurka”

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka dalka laga talo geliyo masuuliyiin horay dalkan xilal uga soo qabtay.

Waxa uu sheegay in ay jiraan xildhibaano farabadan iyo dad badan oo waayo joog ah kuwaas oo u baahan in Guddiyada qaranka ay ka mid noqdaan wax badana laga faa’iidi karo.

Waxa uu barlamaanka ka dalbaday in ay qaraar ka keenaan in xildhibaanadii hore Dastuurkan laga talo geliyo maadaama ay ogyihiin halka uu marayo.

HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO