Isku Aadka Tartanka Kubada Cagta Maamul Goboleedada Oo Laso Saaray ( Akhriso)

Waxaa la isku aadiyay Kooxaha kubada cagta ee maamul goboleedada Soomaaliya, kuwaas oo tartankoodu uu furmayo todobaadkan.

Guruubka A

-Benaadir.

-Galmudug.

-Iyo Jubbaland.

Guruub B.

-Puntland.

-Koonfur Galbeed

-Iyo Hirshabeele.

Maalinta Jimcada oo taariikhdu ay ku beegan tahay 8/12/2017-ka, ayaa tartanku uu furmi doona, waxaana lagu furi doona Kooxaha Jubbaland iyo Benaadir, waana ciyaar aad u xiisa badan.

Puntland oo ku jirta Guruubka B, ayaa ciyaarta 1-aad la qaadan doonta Kooxda matalaysa Hirshabeele, waana ciyaar aad u adag.

Tartanka Maamul goboleedada, ayaa ah tartan aad u xiisa badan, kaasi oo dadka Soomaaliyeed ay si wayn u sugayaan, waxaana horyaalka tartanka ah Kooxda Puntland.

Si kastaba ha ahate, waxaa aad loo sugayaa Daahfurka tartanka Maamul goboleedada oo markii 2-aad ay Muqdisho marti gelinayso.

www.idilnews.com.