Madaxweynaha dawladda puntland oo la kulmay Danjiraha Jarmalka Ee Soomaaliya.

Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana kulanka looga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dalka Jarmalka, mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland, fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladda Puntland iyo dalka Jarmalku leeyihiin wadashaqayn balaadhan oo ku salaysan wax-qabad, siyaasad iyo saaxiibtinimo.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fuliyo Puntland gaar ahaan mashaariicda dhismaha waddada Garoowe – Gaalkacayo iyo mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, kaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey daah-furay 30 August 2017 waxaana laga hirgelindoonaa mashruucaasi gobolada Nugaal iyo Mudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Jutta Frasch, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland, isagoona tilmaamay Madaxweynuhu in Puntland ay joogaan dhakhaatiirta Soomaaliya ugu cilmiga badan, haseyeeshee ay tahay caqabadda hortaaqan tayada qalabka ay ku shaqeeyaan, waxaana  uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dalka Jarmalka iyo dawladda Puntland ay tahay lagama maarmaan inay iska kaashadaan arrintaasi.

Ambassador Jutta Frasch ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana ay xusay Miss. Jutta Frasch inay diyaar u yihiin wax kasta oo xoojinaya wada shaqaynta xafiiskeeda iyo hay’addaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ambassador Jutta Frasch ayaa ka wada hadlay sidii dhalin yarada Puntland loogu samayn lahaa shaqo abuur, gaar ahaan sidii loogu hirgelinlahaa dhalinta Puntland dugsiyada farsamada gacanta si ay u noqdaan dad aqoon leh kuna maareeya danahooda gaar ka ah iyo kan dalkooda iyo dadkoodaba.

Idilnews.com -Garoowe