Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo hirgalisay go’aankii Trump ee socdaalka 8-dal.

US President Donald Trump signs Executive Orders in the Hall of Heroes at the Department of Defense Friday, Jan. 27, 2017 in Arlington, Va. (Olivier Douliery/Abaca Press/TNS) 1196704

Washiton – Maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka ayaa u oggolaatay maamulka Trump in ay si buuxda u dhaqan geliso xayiraadda safarka lagu beegsanayo sideed waddan, oo lix ka mid ah wadamadaas ay u badanyihiin muslimiinta.

Xukunka cusub ayaa la micno ah in Xukuumadda Trump uu si buuxda u dhaqan galin karo xaddidaadda inta badan muwaadiniinta kasoo jeeda wadamada Iran, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Chad iyo Waqooyiga Kuuriya, iyo kooxo ka tirsan dadka reer Venezuela.

Amarka Maxkamadda Sare ayaa wuxuu bur-buriyey heshiiskii horay u jiray tan iyo bishii Jun, markii ay maxkamaddu ku dhawaaqday in dadka “xiriirka wanaagsan” la leh Maraykanka ay u soo safri karaan Maraykanka iyada oo aan loo eegin xayiraadda.

Trump ayaa sheegay in xayiraadaha loo baahan yahay in lagu xoojiyo ammaanka ayna ka hortagaan weerarrada argagixisada.

Kuwa ka soo horjeeda fikirka xag jirka ee uu qabo Trump ayaa sheegaya in mamnuucidda xadgudub ku tahay dastuurka Mareykanka sababtoo ah waxay ku takoorayaan Muslimiinta iyo muwaadiniinta qaarkood ee wadamada kale.

             Ayub A. Ali  – Idil News.