(Sawiro) Xaggee Ka Dhacayaa Dhamaystirka Heshiiska Galmudug Iyo Ehlu Sunna?

Maamulka Galmudug iyo Ehlu Sunna ayaa todobaadkan heshiis horu-dhac ah ku gaaray magaalada Jabuuti ee xaruntaa wadanka Jabuuti, waxaana dhamaystirka heshiiska lagu balamay in lagu qabto gudaha dalka.

Madaxda Galmudug iyo Ehlu Sunna ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda dawlada Soomaaliya marka uu soo dhamaado kulanka Madaxda Soomaaliyeed uga socda Xalane.

Waxay uso bandhigi doonaan heshiiska ay gaareen, waxaana ay ka dalban doonaan inay door ka qaataan hirgalintiisa.

Idinnews, ayaa helay Xog ah in dhamaystirka heshiiska uu ka dhici doono magaalada Dhuusa Mareeb oo ay gacanta ku hayaan Ehlu Sunna.

Inkasta oo Galmudug ay doonaysay in dhamaystirka heshiiska lagu qabto Muqdisho, hadana waxaa soo jeedinta iska lahaa Madaxweynaha Ehlu Sunna Sheekh Shaakir, waxaana ugu dambayn ku raacay Madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf.

Marka laso bandhigo qodobada lagu heshiiyay, laguna duugo qalinka waxaa bilaaban doona hirgalinta qodobada lagu heshiiyay oo laba dhinac laga doonayo.

Lama yaqaan sida uu u hirgali karo qodobada ay ku heshiiyeen Galmudug iyo Ehlu Sunna Waljamaaca.

www.idilnews.com.